Isniin, Abriil 09, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo rayid ah ayaa ku dhintay in ku dhow 20-qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta ka dhacay bartamaha suuqa degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Baydhabo ayaa HOL u sheegay in qaruxu uu ka dhashay miino lagu qariyay darmuus oo la dhigay goob shaaha lagu cabo iyadoo lagu qarxiyay askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah kaasoo ku dhaawacmay qaraxa.
"Qaruxu wuxuu ahaa mid ka dhashay miino la dhigay suuqa... dadka dhintay waxay u badnaayeen ganacsatadii suuqa... kuwaasoo isugu jiray rag iyo dumar," ayuu yiri Maxamuud Cumar oo ka mid ah dadka ku sugan suuqa degmada Baydhabo markii uu qaraxu dhacayay.
Dhaawacyadii ka dhashay qaraxa miino iyo qaar ka mid ah maydadka ayaa la dhigay isbitaalka Baydhabo, iyadoo xalaadda degmadu ay tahay mid aad u kacsan, mana jirto koox sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkaas.
Weerarkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Baydhabo ka dhaca tan iyo bishii Feberaayo ee sannadkan oo ay ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya ay kala wareegeen Al-shabaab oo saddex sano ka talinaysay.
Qaraxan miino ayaa wuxuu imaayaa iyadoo degmada Baydhabo ay ku sugan yihiin guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, xildhibaanno ka tirsan dowladda KMG iyo saraakiil ciidan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya