Isniin, Abriil 09, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex ka mid ah ciidamadii dagaalku u dhexeeyay ayaa ku dhintay dagaal maanta ku dhexmaray ciidamada DKMG, kuwa Kenya iyo xoogagga Al-shabaab deegaanka Muudaale oo u dhexeeya degmada Baardheere iyo deegaanka Faafax-dhuun ee gobolka Gedo.
Dagaalkan ayaa billowday markii ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Kenya ay weerar ku qaadeen saldhig ay xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka lagu dagaalamay, iyadoo dagaalkaas ay ku dhaawacmeen lix qof oo kale.
Wararka laga helayo deegaannada ku dhow halka uu dagaalku ka dhacay ayaa u sheegay warbaahinta in dagaalku uu ahaa mid mid culus oo socday muddo ku dhow saacad.
Saraakiisha Al-shabaab iyo kuwa DKMG ah iyo Kenya ayaan weli ka hadlin dagaalka, iyadoo ay weli ciidamadii dagaalamay isku horfadhiyaan deegaankii uu dagaalku ka dhacay.
Gobolka Gedo ayaa wuxuu ka mid yahay labada gobol ee ay ciidamada Kenya kaga sugan yihiin Koonfurta Soomaaliya, waxaana dhowr jeer ka dhacay dagaallo khasaare badan ay ka dhasheen.
Afhayeenka milateriga Kenya ayaa toddobaadkii hore u sheegay warbaahinta in ciidamadooda oo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka ay burburiyeen saldhig ay Al-shabaab ku lahayd meel ku dhow deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya