
Isniin, April 09, 2012 (HOL) - Kulankan oo ay ka qeyb galeen dad u badnaa odayaasha dhaqanka soomaaliyeed ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururka SYAO waxaana loogu baroor diiqayay dadkii ku geeriyooday qarixii ismiidaaminta ahaa ee 4-tii bishan ka dhacay tiyaatarka.
Waxaa sidoo kale looga hadlay sidii looga hortagi lahaa isqarxinta iyo dhibaateynta inta badan loo adeegsado dhalinyarada soomaaliyeed.
Siyaasiyiintii iyo madaxdii kasoo qeyb qashay ayaa si isku mid aha u tilmaamay in loo baahan yahay in laga wacyi galiyo dhalinyarada soomaaliyeed si ay qeyb uga qaataan amaanka dalka.
Sidoo kale waxaa goobta ay ku soo bandhigtay wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka sharciyadii kala hagi lahaa odayaasha dhaqanka iyo kaarar aqoonsi ah oo loogu talo galay odayaasha.
Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka c/samad macalin oo goobta ka hadlay ayaa ku booriyay odayaasha in ay iyaga ka tashadaan aayahooda, islamarkaana aysan cid wax kasugin .

“Ma waxaan ka sugnaa in ay inoo soo xulaan odayaasha cid aan dhaqan shaqo ku leheen, misa inaga ayaa katashano “ ayuu hadalkiisa raaciyay wasiirka.
Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka Bashiir Maxamed Jaamaca ‘bashiir Goobe’ oo isna goobta hadallo ka jeediyay ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabka ay noqon doonaan kaararka aqoonsiga ee loogu talo galay odayaasha.
Maxamed Ibrahim Ali Cajiib Gudoomiyaha Ururka suurta galiyay qabsoomida kulanka ee SYAO ayaa isna halkaasi ka jeediyay khudbad ayaa ku dheeraaday sharrixitaanka qiimaha ay dhalinyaradu ku dhexleeyihiin bulshada.
Waxa uuna ugu dambeyntii ka codsaday odayaasha lagu wado in ay soo xulaan baarlamaanka wadanka in ay qeyb xoogan ka siiyaan dhalinyarada kuwaasi oo uu ku tilmaamay in ay wadanka waxbadan ka badali karaan.
Kulanka oo loogu baroor diiqayay dadkii ku dhintay qaraxii tiyaatarka ayaa dhammaan kasoo qaybgalayaashii ay ugu duceen jannadii intii ku dhimatay iyadoo dhaawacana loo rajeeyay caafimaad.





Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya