Meydadka Saddex Qof oo saakay lagu Arkay Duleedka Degmada Afmadow ee Gobbolka Jubbada Hoose

Isniin, Abriil 09, 2012 (HOL) — Meydadka ilaa sadex qof oo la dilay ayaa saaka lagu arkay duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, iyadoona dadkaan ay kamid ahaayeen sida la xaqiijiyay dad ku nool magaalada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa HOL u xaqiijiyay in dadkaan ay kamid ahaayeen dadka deegaanka, islamarkaasina la la'aa in mudo ah, waxaana la sheegay in saaka meydadkooda oo ay ka muuqato rasaas lasoo dhigay meel kabaxsan magaalada Afmadow.

Illaa imika lama yaqaanno cida ka danbeysay dilka sedexdani qof, waxaana ay arintani si aad ah u qalqal gelisay dadka ku nool degmada Afmadow iyo guud ahaanba gobolka Jubada Hoose.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo dhacdo ceynkan oo kale ah lagu arko nawaaxiga magaalada Afmadow, haseyeeshee waxa jirtay in marar hore sidan oo kale loo arkay dad la dilay qaarkoodna goowracan oo lasoo dhigay duleedka degmadaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya