Isniin, Abriil 09, 2012 (HOL) — Kulan ay soo qaban-qaabisay Hay'adda Wadahadalka Bulshada ee CCD, ayna qeyb-galeen Ururada Bulshada rayidka, Xildhibaano iyo Saraakiisha Booliska Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo lagu cambaareeyay qaraxii afartii bishan ka dhacay Tiyaatarka, xilli ay ka socotay munaasabad loogu dabaal dagayay telefishinka Qaranka oo msar sarsare ee DKMG ay goobjoog ka ahaayeen.
Ugu horreyn xubnihii ka qeyb galay kulankan ayaa hal daqiiqo aamusnaan baroor diiq u ahaa dadkii ku dhintay qaraxaas u istaagay, iyadoo kadib faataxo loo maray dadkii ku geeriyooday musiibadaas.
Guddoomiyaha Dallada Ururada Bulshada rayidka deegaanada Ex Banaadir Muxiyadiin Xasan Afrax ayaa sheegay in Bulshada rayidka ay cambaareyneyso qaraxaas waxashnimada, ayna aad uga xun tahay, sida uu yiri.
"Aad ayaa u cambaareyneynaa qaraxaas waxashnimada kuwii geystay waxay ahaayeen damiir laaweyaal dhiigya-cab ah, dhaliisha waxaa leh bulshada iyo hey'adaha ammaanka, waayo ma aanay wada shaqeyn"ayuu yiri Muxiyadiin Xasan Afrax.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in lagama maarmaan tahay in la sameeyo Gudiyo isugu jira bulshada iyo hey'adaha amniga, si looga hortago meelaha lagu abaabulayo qaraxyada, iyo goobaha lagu diyaariyo is qarxinta, isla markaana laga wada shaqeeyo amniga xaafadaha degmooyinka.
"15-jir maskaxdiisa faaruq tahay, hadii wax lagu shubto ama maskaxda laga xado waa suura gal inuu sameeyo ficilkii loo dirsaday"ayuu yiri Muxiyadiin Xasan Afrax oo tacsi u diray dadkii ku geeriyooday qaraxa
Ku simaha Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Canab Xasan Cilmi ayaa sheegtay in gabadhii labaad oo si qarxisa tahay, iyadoo xustay in haweenka ka mid ahaayeen dadka ugu jilicsan, isagoo xusay in qofka dhalinyaro ah maskaxdiisa la bedeli karo ama Drugs loo isticmaali karo si uu isu qarxiyo.
"Maxkada qof yar hadii la bedelo ama daroogo la siiyo oo la dhaho janaa galeysa waa dhici kartaa inuu sameeyo"ayay tiri Canab Xasan Cilmi oo ku baaqday in aan la cabsan, lana iska kaashado in si wada jir looga soo jeesto sugida amniga.
Sheekh C/qaadir Soomow oo ka mid ah Culumaa'udiinka Ahlusuna ayaa sheegay in la dilo qof muslim ah, isla markaana wixii naarta ku galayo uu jano ku raadsado, dabadeedna alle lagu raali galayo ay tahay wax Alle uu ka caroonayo, diinta Islaamkana aanay meel ka soo gelin.
Taliyaha Qeybta Booliska ee Bartamaha Xamar G/sare Garaad Nuur Cabdulle ayaa ka hadlay qodob ku saabsanaa ammaanka, waxaana uu xusay in amniga aan ciidan kaliya sugi karin, balse loo baahan yahay in bulshada gacan ka helaan.
"Arrinta Amniga ku saabsan ciidanka kaliya ma sugi karaan, bulshada waa inay ugu horeyn gacan ka helaan, booliska waxaa uu u xilsaaran yahay nafta, maalka iyo amniga"ayuu yiri G/sare Garaad oo intaa ku daray in lagama maarmaan rahay in meel walba xaflad ama munaasabad lagu dhigayo in ciidanka amniga la soo wargeliyo.
Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad ayaa ka codsatay dowladda inay kaalmo dibada u qaado dadkii ku dhaawacmay, iyadoo u tacsiyadeysay dadkii ku dhintay, waxaana ay ku baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad ku soo taagto cidii ka dambeysay.
Kulankan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee qeybaha bulshada rayidka yeeshaan kuna cambaareeyaan tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu dhacay qaraxii tiyaatarka todobaadkii hore, waxaana kulankan soo qaban qaabisay Hey'adda wada hadalka bulshada ee CCD.
Hiiraan Online, News Desk