Golaha Guurtida Somaliland oo ka dooday sicir-bararka maciishadda iyo saamaynta ay ku yeelatay dan-yarta

Khamiis, Oktoobar 27, 2011 (HOL) — Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa si adag uga dooday sicir bararka dalka ka jira, isla markaana ku eedeeyey inay mas'uul ka yihiin tijaarta dalka.

Odayaasha Guurtida ayaa waxay xukuumadda ugu baaqeen inay siyaasad cad ka yeesheen meceeshada kor kacday iyo hoos u dhaca lacagta dollarka, waxaa kale oo baanka dhexe ku dhaliileen in aanay waxba ka qaban qiimaha is dhaafay ee sarifka lacagta.

Mudanayaashan oo labadii cishe ee u dambeeyey ka doodayey Maceeshada sare u kacay iyo qiimaha dollarka oo hoos u dhac weyni ku yimid, isla markaana saamayn ku yeelatay danyartii ayaa xukuumada Somaliland ku booriyey inay siyaasad cad ka yeelato arrimahaasi.

Mudayaashan waxa kale oo ay tilmaameen in wax laga qabto hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan Raashinka ee WFP in dalka laga saaro, maadaama oo wakhtiga raashinku soo go’aan ay dalka keenayso Galay xumaatay, taas oo qiimo jab ku yeelanaysa wax soo saarkii dalka.

Xildhibaan Sheekh Cumar Axmed oo ka mid ah golaha Guurtida ayaa doodiisa ku bilaabay " Sixir waxaa lagaga hor tagi karaa, dalka oo wax soo saar leh, dalka oo waxa uu soo saaro quuta, kantaroolka sicir bararka waa in nimankan ganacsatada laga hubiyaa waxa laga soo siiyey raashinka ay dibada ka soo iibinayaan" ayey ku dooday.

Waxaa kale oo uu ka hadlay ganacsatada oo uu ku tilmaamay qaar aan ogolayn in xeer loo sameeyo " Raga tijaartu ma ogola xeerka lagu kala xadaynayo ganacsiga oo hore waynagii xeer u samaynay" ayuu yidhi.

Mudanuhu waxa kale oo uu dhaliilay Baanka dhexe oo uu sheegay inuu arintan inuu wax ka qabto ka gaabiyay: "Baanka ayaa ku ilaalin jiray inuu Rate ku meel ku joogsado, laakiin imika qiimihii lacagta imika cidina ma ilaaliso, waxaana la moodaa inuu imika Baankii hawshii ka saarnaa uu faraha ka qaaday, Bbaankana waxaanu leenahay isbedelka qiimaha lacagta ha ilaaliyo oo ha sii daayo isagu lacagta haddii uu sicir barar jiro" ayuu yidhi

Xildhibaan Sahal Iidle ayaa isaguna dooda aragtidiisa ka dhiibtay ayaa yidhi " Sicir bararku waa mid caalami ah laakiin caalamku siyaasad bay ka leeyihiin, waana in xukumaduna siyaasad ka yeelataa maceeshada loona xil saaraa aqoonyahan la socda sicirka raashinka la soo siiyey iyo inta la siinayo" " Inagu waxaynu ogaana marka uu ina dishooda, ee yeyna ku baraarugun ee waa in la sii saadaaliya marka ay raashinku kaco sidii wax looga qaban lahaa"ayuu yidhi Md; Iidle

Xildhibaan Axmed Nuur Maxamed oo ka mid ah odayaasha golaha ayaa sheegay in dalka laga saaro hay’ada WFP oo uu ku tilmaamay inay wax soo saarkii hoos u dhigtay.

"Hay’ada WFP mashaariic bay bixisaa waxay bixisa Galay iska bakhtiday, dadkii wax beeranayey wakhtigii ay goosanayeen ayey Raashin keentaa, halkii la odhan lahaa maxa dalka ka soo baxay, marka ninkii wax soo saareyey lagu beego Galay kale oo dibada ka timid wuxuu beeranayaa hadhow" ayuu yidhi, isagoo hadalka sii wata ayuu yiri:

"Haddii aynu rabno in aynu Beeralayda dhiirigalino waa in la mamnuucaa WFP oo dalka laga saaro, marka kii beertay iyo kii kalaba Bariiskii ayey wada cunaynaa, waxba hagaagi maayo marka Kiishka Galayda ee dalka ka soo go’ay qiimo loo yeelo wax badan ayaa la beeri lahaa, haddii ninkii Beeralayda ahaa la garab furo mid Daani galay oo dibada laga keenay ninkii Beeralayda ahaa wuu khasaarayaa" ayuu yidhi Md: Axmed Nuur.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland