Khamiis, Oktoobar 27, 2011 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku celiay mowqifkiisii ahaa inaysan raalli ahayn ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, isagoo in Kenya ay uga baahan yihiin inay dhinca saadka oo keliya ka caawiso dowladda Soomaaliya.
Sheekh Shariif wuxuu sheegay in heshiiska ay la gaareen Kenya uu ahaa inay labada dal kawada shaqeeyan la dagaalanka Xarakada Al-shabaab ayna howlgalada socda ay hoggaamiso ciidamada Soomaaliya war buuxana ay ka hayaan waxay qabanayaan ciidamada Kenya.
"Annaga iyo dowladda Kenya waxaan wadaagnay wadahadal, waxyaabaha lagu heshiiyayna waxay ahaayeen howlgallada socda inay Soomaaliya hoggaamiso, sidaasna sidii la rabay uma dhicin," ayuu yiri Sheekh shariif.
Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay inaysan ogoleyn in ciidamada Kenya ay soo galaan gudaha Soomaaliya, isagoo hadlkiisan ku sifeeyay waajib dalka ka saaran maadaama uu yahay madaxweynaha Soomaaliya.
"Haddii la haysto qalab lagu ogaanayo inaan anigu Al-shabaab ahay waan sugaynaa," ayuu kaga jawaabay madaxweynaha Soomaaliya su'aal ahayd eedeymo loosoo jeediyay oo sheegayay inuu kasoo horjeedo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga DkMG ah Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in xukuumadda KMG ah ay weydiisanayso dal walba oo caalamka ku yaalla inay gacan ka siiyaan sidii loola dagaalami lahaa Al-shabaab.
Kala fikir duwanayaashaha u dhexeeya madaxda DKMG ah ee Soomaaliya ee ku saabsan ciidamad Kenya ayaa cirka isku sii sharreeya, sidoo kale xildhibaannada baarlamaanka ayaa iyaguna waxay ku kala aragti duwan yihiin faragelinta Kenya.
Dowladda Kenya todobaad ka hor ciidamo fara badan oo ka tirsan milaterigeeda oo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka u soo dirtay Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan Xarakada Al-shabaab oo ay ku eedeeyay inay falal ammaandarro ka geystay gudaha dalkooda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya