Khamiis, Oktoobar 27, 2011 (HOL) � Shirka guddiga wadajirka ah ee ammaanka Soomaaliya (JSC) ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo shirkaas ay hadallo ka jeediyeen wakiilka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo taliyaha AMISOM Maj-Jen. Fred Mugisha.
Danjire Mahiga ayaa sheegay in shirkan looga hadlayo ammaanka dalka Soomaaliya, isagoo xusay in si gaar ah loogu falanqeyn doono la wareegista ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM la wareegeen magaalada iyo baahida loo qabo in ammaanka la sugo.
"Waxaa faraxad weyn inoo ah in shirkan lagu qabto Muqdisho, kaasoo ah shirkii saddexaad, wuxuuna kusoo beegmayaa xilli aad u muhiim ah oo ay Soomaaliya gashay marxalad kala guur ah," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya. C/weli isagoo intaas ku daray in looga hadlayo shirka sidii gobollada ay Al-shabaab ka taliso looga saari lahaa.
Shirkan oo lasoo gabgabeynayo berri ayaa waxaa ka qaybgalaya DKMG ah ee Soomaaliya, Qarammada Midoobay, Puntland, Galmudug iyo Ahlusunna iyadoo lagu wado in labada maalmood ee uu socdo diiradda lagu saaro xaaladda ammaan ee dalka.
Taliyaha ciidamada AMISOM Maj-Jen. Fred Mugisha ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay dowladda Soomaaliya gacan ka siiyaan sugidda ammaanka magaalada Muqdisho, sidoo kalena ay qayb ka qaadan doonaan sidii dalka oo dhan uu gacanta dowladda ugu soo laaban lahaa.
Qabashada shirkan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli dowladda Kenya ay ciidammo fara badan soo gelisay gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo sheegaya inay la dagaalamayso Al-shabaab, waxaana dhanka kale ay hay'aduhu sheegeen in fara-gelintan ay saameyn ku yeelatay howlaha gargaarka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya