
Khamiis, Oktoobar 27, 2011 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ay ku joogaan rabitaankooda, isagoo sheegay inay ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay gacan ka siinayaan ciidamada DKMG ah Soomaaliya dagaalka lagula jiraan Xarakada Al-shabaab.
Dr C/weli Gaas ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay ku socdaan heshiiskii IGAD ee ahaa in dalalka gobolka ay gacan ka siiyaan sidii lagu soo celin lahaa nabada Soomaaliya.
"Warka ah Kenya ayaa Soomaaliya kusoo duushay waa khaldan, Kenyana kuma soo duulin Soomaaliya ee waxay ciidamadeedu ku joogaan raribtaankeenna, labada dal waxaa ka dhexeeya iskaashi milateri, ciidammadooda ku sugan gudaha Soomaaliya waxay ciidamada Soomaaliya ka taageerayaan dhinaca saadka iyo in lala dagaalamo Al-shabaab," ayuu si cad u yiri Dr C/weli Gaas.
Ra'iisul wasaaraha oo sharraxayay war-murtiyeedkii ay dowladda KMG ah iyo xubno ka tirasn wasiirrada Kenya kasoo saareen kulan ay ku yeesheen Muqdisho ayaa yiri: "War-murtiyeedkii laga soo saaray kulankii Muqdisho ee dhacay Oktoobar 18-keedii wuxuu ahaa in labada waddan ay iska kaashadaan la dagaalanka argagaxisada, burcadbadeeda iyo dadka ka qafaalanaya dadka labada dhinac, waxaa sidoo kale ku caddaa in labada dal ay iska-kaashadaan dhanka milateriga iyo nabadgalyada si labada waddan looga ciribtiro dadka dhibaatada kawada oo ah Al-shabaab iyo in laga wada-shaqeeyo sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa nabad."
Ra'iisul wasaaraha oo la weydiiyay in madaxweynaha Soomaaliya uu kasoo horjeedo in ciidamada Kenya ay soo galaan gudaha Soomaaliy, balse uu ogol yahay inay saad siiyaan ciidamada Soomaalida ee Kenya lagu soo tababaray ayaa sheegay inay ciidamada Kenya ku joogaan rabitaankooda gudaha Soomaaliya.
"Ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya waxay waafaqsan yihiin go'aankii ay IGAD gaartay bishii Juun ee sannadkii 2010, kaasoo ahaa in dalalka gobolku ay iska kaashadaan sidii loola dagaalami lahaa Al-shabaab," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha DKMG ah oo u warramayay VOA-da.
Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif ayaa dhankiisa ku celiyay mowqifkiisii ahaa in DKMG ah aysan raalli ka ahayn in ciidamada Kenya ay soo galaan gudaha dalka Soomaaliya, balse si cad uguma dhawaaqin in Kenya ay ciidamadeeda kala baxdo gudaha Soomaaliya.
Hadallada iska soo horjeeda ee kasoo kala baxaya madaxweynaha Soomaaliya iyo ra'iisul wasaarihiisa ayaa daaha ka rogay inay jiraan kala aragti duwanaasho ku saabsan soo gelitaanka ciidanka Kenya ee ay soo galeen dalka Soomaaliya.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Gaas wuxuu sheegay in Al-shabaab ay dhib ka wadday dalka Kenya ayna dad kasoo qafaasheen taasoo keentay inuu hoos u dhaco dhaqaalaha dalka Kenya, sidoo kalena ay u diidaan in gargaar la gaarsiiyo laba milyan oo qof oo Soomaali ah.
"Xiriirka milateri ee Kenya iyo Soomaaliya ka dhexeeya wuxuu salka ku hayaa in laga hortago in dad laga soo qafaashay gudaha Kenya lala soo galo Soomaaliya," ayuu kaga jawaabay su'aal kale oo ahayd cidda ay ogolaasho kaga haystaan inay Kenya faragelin ciidan ku sameyso Soomaaliya.
Sidoo kale, su'aal ku saabsanayd in arrintan ay isaga iyo madaxweynaha DKMG ah ku kala aragti duwan yihiin ayuu kaga jawaabay inaysan ku kala aragti duwanayn, hadalkii ay saxaafadda wadajirka u siiyeenna uu ahaa in la caddeeyo in hadalkii uu madaxweynaha ka yiri arrintan si khalad ah loo fasirtay.
Ra'iisul wasaaruhu wuxuu ka gaabsaday inuu sheego tirada ciidanka ee Kenya kaga sugan Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu diiday inuu ka jawaabo su'aal ahayd muddada ay ogol yihiin inay ku sugnaadaan gudaha Soomaaliya.
Ugu dambeyn, su'aal ahayd in faragelinta ciidanka ee Kenya uu ka horimaanayo go'aan ay xubnaha baarlamaanka Soomaaliyeed ku gaareen sannadkii 2004 inaysan ciidamada dalalka dariska ah geli karin Soomaaliya, ayuu sheegay in go'aankaas uu ka dambeeyay kii IGAD ay gaartay 2010 oo ahaa in dowladda KMG ah Soomaaliya laga taageero soo celinta ammaanka dalka.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya. C/weli Maxamed Cali ayaa shir jaraa'id oo ay shalay si wadajir ah ugu qabteen Muqdisho madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif wuxuu sheegay in xukuumadda KMG ah ay mowqif mideysan ka taagan tahay faragelinta Kenya, wuxuuna sheegay inaysan jirin heshiis dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsan inay ciidammo Kenya soo geli karaan gudaha Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya