Khamiis, Oktoobar 27, 2011 (HOL) — Ergayga u qaabilsan Ra’isal Wasaaraha Kenya arrimaha Somalia Md: Ilyaas Barre Shiil oo maalmihii u dambeeyey booqasho ku joogay Somaliland ayaa Maanta booqasho ku tagay magaalada Burco ee gobolka Togdheer.
Ergayga gaar ah ee Ra’isal wasaaraha Kenya Raila Odinga u qaabilsan Soomaaliya, mudane Ilyaas ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey gobolkaaasi, iyadoo aanay u kala hadhin madaxda heer gobol iyo heer degmo, waxaana duleedka magaalada Burco kaga hor tegey Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi, Badhasaab ku xigeen kii hore ee Gobolka Guuleed Daahir Samatar, Mas uuliyiin kamid ah Urur Siyaasadeedka UDHIS.
Soo dho weynta kadib waxa uu siyaasigan ka tirsan Dalka Kenya, Mr. Shiil ayaa kormeer indho indhayn ah ku tagay Saylada Xoolaha ee magaalda Burco, oo shaqo xoogani ka socoto, isla markaana laga rarayo xoolo badan oo loo dhoofinayo dalka Sucuudiga.
Aadan Axmed Diire(Baradho) oo ah ganacsatada xoolaha isla markaana ku hadlayey afka ganacsatada xoolaha Somaliland ayaa sharaxaad ka siiyey sida xoolaha loo kala iibsado iyo meelaha ay ka kala yimaadaan xoolaha halkan lagu iibinayo.
"Waxaan ku faraxsanahay imaatanka wakiilka gaarka ah ee Kenya u qaabilsan somaliland, aad iyo aad ayaanu ku soo dhowaynayaa, ku soo dhowow Saylada xoolaha ee ugu weyn Somaliland" ayuu yidhi.
Aadan Baradho ayaa sheegay inay xoolahan Saylada Burco lagu iibiyo ay ka yimaadaan guud ahaan deegaanada Soomaalidu deegaan, Isago xusay inay ka yimaadaan Koonfurta shishe ee Somalia ilaa Wajeer, deegaanka somalida ee Itoobiya, waxaanu sheegay inay Sayladu camiran tahay xoolo badana ay joogaan, isagoo xusay inay ugu wacan tahay Ciida Udxa ee fooda inagu soo haysa.
Waxa isaguna halkaas ka hadlay Md: Ilyaas Bare Shiil oo ah ergayga ra’isal wasaaraha Kenya u qaabilsan arrimaha Somalia, waxaanu si weyn usoo dhoweeyey qaabka loo soo dhoweeyey, waxaanu u mahadnaqay masuuliyiintii ku soo dhowaysay gobolka.
Md: Ilyaas Barre Shiil isagoo ka hadlay Saylada Burco iyo xoolaha sida loo kala iibsanayo waxa uu yidhi " waxan ku dhashay magaalada Gaarisa wayna leedahay Saylad tan Burco oo kale ah, waxaanu xoolaha siinaa East Africa oo dhan, xoolaheenuna waa isku nooc" ayuu yidhi, isagoo intaas ku daray " waxaan aad iyo aad ugu boorinayaa Reer Togdheer ama Dhamaan shacabka Somaliland lafdhabarta dhaqaalaha waa xoolaha nool, xoolahan oo kale meel kale oo laga helikaraa ma jirto aan dhulka soomalida ahayn, waana in aad xoolaha aad dhaqaalaysan wakhtiyada abaaruhu jiraana aad uga fikirtaaan inta aanay abaartu iman waa in loo sameeyo meelo kayd ah oo ay ku bad baadaan"ayuu yidhi Md: Shiil oo Soomaalida ku boorinayey inay xoolaha dhaqaaaleeyaan.
"Carabta waxan ka doonaynaa in mar walba aan xoolaha nool loo dhoofin ee loo dhoofiyo hilibka, waa in xoolaha halkan lagu qalo si dadku u helaan shaqo, waa in mar kasta aynu siinaa hilbka geela, adhiga iyo lo'da, dowladda Somaliland weyku tala jirtaa anaguna waanu ku taageeraynaa"ayuu yidhi mar uu ka hadlayey in laga hawlgalo qaab sidan ka duwan oo hilibka xoolaha loogu gaynayo Carabta, si dad badan shaqo uga helaan.
Badhasaabka Gobolka Togdheer Mr. Yaasiin Maxamed Cabdi ayaa sheegay inay jiraan warshad loogu talogalay hilibka Adhiga oo la doonayo in hilibkii oo qasaacadaysan loo diro dalal badan oo aduunka ka mid ah, haseyeeshee waxa uu sheegay in loo baahan yahay warshad kale oo iyaduna lagu habeeyo hilibka Geelle oo aan wali wadanka la keenaan, isagoo xusay in mustaqbalka dhow la keeni doon warshadaas hilibka Geella.
Ergaygan Ra’isal Wasaaraha Kenaya, ayaa waxa hore uu u booqday magaalada Berbea ee gobolka Saaxil, isago sheegay inuu booqday meelo muhiim ah oo ay ka mid tahay Moofadii aabaha jacaylka ee Cilmi Boodhari iyo dekada Berbera.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland