Culumaa'udiinka Puntland oo ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo dadka abaaruhu ay ka barakiciyeen

Jimco, 14 Janaayo, 2011 (HOL) -Shir ay culumada Puntland ku yeesheen magaalada Garowe ayaa laga soo saaray go,aamo lagu taageerayo dadka abaaruhu ay saameyeen ee ku nool gobollada kala duwan ee Puntland.

Waxaa shirkaasi ka qayb galay qaar ka mid ah culumada ugu caansan gobolka iyo masuuliyiin ka socday wasaarada cadaaladda iyo diinta Puntland si qaybaha bulshada loogu baraarujiyo dhibaatada ay abaartu leedahay.

"Gurmad la gaarsiiyo dadka abaaruhu ay saameeyn waxey hoos u dhigi kartaa masiibada arintan la xiriirta "ayuu yiri wasiirka cadaaladda iyo diinta Puntland Cabdi Khaliif .

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay roob doon la sameeyo si raxmada ilaaheey ugu soo dajiyo goobaha abaaraha darani ay ka jiraan ,isla markaana dadka ugu baaqay in ilaahood ay dib ugu laabtaan.

"Goobaha ugu daran waa Kar-Kaar ,Mudug iyo Bari,waxaana loo baahanyahay sida uga dhakhsiyaha badan in gar gaarka loo gaarsiyo " ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.

Shiikh Siciid Axmed Faarax oo kamid ah Culumaa'udiinkii shirka joogay ayaa tilmaamay in masiiba kasta oo dhacda ay tahay mid xaga ilaah laga qoray ,isla markaana loo baahanay sabar iyo dulqaad si looga gudbo,isagoo xusay in ay mhuhiim tahay gar gaar uu maamulku u fidiyo dadka dhibaataysan.

Guddi dhawaan looga dhawaaqay magaalada Garowe ayaa lagu wadaa in ay booqasho ku tagaan goobaha abaaruhu ay ka jiraan,waxaana gudigaasi madax u ah wasiirka arimaha gudaha C/laahi Axmed Jaamac

Ugu danbayntii abaarahan ayaa ah kuwa ka jira gobollada Somaliya intooda badan ,waxaana meelaha qaar lagu tilmaamay in ay xaaladooda aad u liidato,iyadoo abaarahan la aaminsanyahay in ay sababeen colaadaha dalka ka jira iyo dabar goynta dhirta oo guud ahaan Soomaliya ka wada simantahay.

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya