Jaamacadda Carabta oo codsatay in la taageero Somalia

Jimco, 14 Janaayo, 2011 (HOL) --Urur waynaha Jaamacada Carabta ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in kaalmo Milatari oo deg deg ah lasiiyo dowladda KMG Soomaaliya.

Axmed Cabdalla Idriis oo ah safiirka jaamacadda carabta u fadhiya Soomaliya  ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatooyinka mudada 20-ka sano ka jirta wadanka Soomaaliya ay la socdaan wadamada xubnaha ka ah jamacadda carabta ayna aad uga xunyihiin.

Safiirka ayaa ku baaqay in kaalmo dag dag ah ay la gaaran wadamada deeqaha baxsha isla markaana tageero militari iyo mid amni ahba la siiyo dowladda KMG sidoo aklana ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka iyo dib usoo noo leeynta adeegyadii bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Kulankii labaad ee barlamanka dowladaha Carbeed oo ay ku yeesheen magaalada Khaahira ee dalka Masar ayaa laga soo saaray go’aano aad u waa wayn oo ay ka mid tahay in la taageero dowladda Somaaliya looguna deeqo lacag gaaaraysa 10-Milyan oo loogu balanqaaday dowladda Soomaaliya shirkii ka dhacay magaalada Sirta ee dalka Libiya.

Fatuma Isse Mohamud , Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi - Kenya