
Jimco, 14 Janaayo, 2011 (HOL) – Kumannaan qoxooti Soomaaliyeed ah, oo u badan haween iyo caruur ayaa dibadbax ka hordhigay xarunta daryeelka bulshada oo loo yaqaan (SACH) ee magaalada Islamabad, dalka Bakistaan, waxaana dibad-baxayaashu sheegeen inay ka cabanayaan faquuq iyo cadaalad-darro fool xun oo lagula kacay.
Dibadbaxayaashu, waxay wateen boorar, ay ku cambaareynayaan hay’adda qoxootiga adduunka ee UNHCR, taasoo ay ku eedeeyeen inay si bareer ah u xaqirtay una dafirtay. Waxaana boorarka ku qornaa erayo ay ka mid yihiin: “Waxaan u baahan-nahay difaac, waxbarasho, daryeel caafimaad iyo magangalyo aanan weli helin.”
Qoxootigan Soomaalida ah, waxay doonayaan in loo aqoonsado qoxooti, lana siiyo xuquuq la mid ah xuquuqaha ay helaan qoxootiga ka yimid dalalka Iiraan iyo Afgaanistan ee ku sugan dalka Bakistaan. Waxayna sheegeen inay doonayaan waxbarasho aasaasi ah, tababarro shaqo, inay helaan daryeel caafimaad oo dhameystiran, taageero lacageed, difaacid dhameystiran iyo dib dajin.
“Waxaan la hadlay UNHCR iyo hay’adda la shaqeysa ee SACH, inay na caawiyaan, laakiinse waxba kama aysan soo qaadin codsigeenna,” ayuu yiri Cabdulraxmaan oo ah guddoomiyaha ururka Soomaalida ku nool dalka Bakistaan. Wuxuuna intaas ku daray inay sii wadayaan dibad-baxyadooda, inta ay ka helayaan damaanad-qaad buuxa.
Qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Baksitaan, ayaa waxay intooda badan sheegeen in noloshoodu ay tahay mid aan wanaagsanayn. Hooyo dhashay saddex caruur ah oo codsatay inaan magaceeda la sheegin ayaa tiri: “Caruurteyda oo dhan, waxay ku dhasheen halkan (Bakistaan). Balse ma awoodi karo inaan quudiyo. Ma helo taageero igu filan, dibna uguma laaban karo dalkeygii.”
“Nalooma tixgeliyo qoxooti ahaan marka aan tagno xafiiska SACH,” ayay tiri hooyo ay la socdeen labo caruur ah oo ay dhashay, kana qaybqaadanayay dibadbaxa. Si xun ayayna noola dhaqmaan shaqaalaha hay’addan.”
Dalka Bakistaan, waxaan nool qoxooti fara badan oo ka cararay dagaallada ka socda Soomaaliya, oo aanay dowlad shaqeysa ka jirin muddo 20-sano ah, iyadoo sidoo kalena ay ku sugan yihiin dalkaas arday Soomaaliyeed wax ka barta.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya