Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo New York shir kula yeeshay Wakiilka dalka Britain ee Qaramada Midoobay

Jimco, 14 Janaayo, 2011 (HOL) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xukumadda KMG ah ayaa lagu sheegya in ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), oo Arbacadii 12-kii bishan, gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, si uu uga qaybgalo kulamo looga hadlayo Soomaaliya oo lagu qaban doono xarunta Qaramada Midoobay, uu kulammo la qaatay xubno ka tirsan golaha ammaanka ee Ummadaha Midoobay.

Mudane Farmaajo, ayaa kulankiisii ugu horreeyay la qaatay ergeyga joogtada ah ee Britain u fadhiya Qaramada Midoobay, Sir Mark Lyall Grant. Kulankaas oo u dhacay si wanaagsan, ayaa wuxuu Ra'iisul wasaare Farmaajo, wuxuu uga mahadceliyay sida uu u dar-dargeliyey howlaha xukuumadda FKMG ah ee Soomaaliya.

Ergeyga joogtada ee UK u fadhiya QM, ayaa wuxuu kulanka ka sheegay in Britain ay taageereyso Dowladda Soomaaliya, isla markaana ay qaban-qaabineyso kulan dhexmara waddamada ku howlan Sooamaliya iyo ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM uga wakiilka ah Soomaaliya dajire Augustine Mahiga, si loo dar-dargeliyo la shaqeynta iyo caawinaadda shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Sir Lyall Grant, ayaa sheegay in loo baahanyahay in caalamku uu hal meel uga soo jeesto arrimaha dalka Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa u mahadceliyey Sir Lyall Grant, isla markaana warbixin kooban ka siiyay xaalada dalku uu marayo, isagoo xooga saaray dhinaca abaaraha ka taagan Soomaaliya iyo kaalmada caalamka looga baahanyahay inuu la gaaro shacabka ay abaaruhu waxyeelleeyeen.

Mr Farmaajo, waxuu ku tilmaamay nasiib-darro in kooxaha kasoo horjeeda dowladda ay ka horjeesteen in hay'adaha gargaarku caawiyaan dadka ku nool gobollada ay gacanta ku hayaan, kuwaasoo ka mid ah gobollada ay saameynta ballaaran ku yeeshay abaaraha.

Sidoo kale, Farmaajo, wuxuu la socodsiiyey Sir Grant, in xukuumadda Soomaaliya, ay sameysay dadaallo fara badan, sida dib-u-heshiisiin laga dhaliyay gobollada dhexe ee dalka, dhanka amniga, dhanka maaliyadda oo miisaaniyadii la ansixiyey laguna dhaqmo, guddigii dastuurka oo la ansixiyey si ay u dar-dargeliyaan dhameystirka qabyo qoraalka dastuurka, iyo arrimo kale oo fara badan.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, wuxuu xooga saaray sidii Britain ay u laba-laabi lahayd kaalmada dhaqaale, siyaasadeed iyo gargaarka bani’aadanimo ee ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Mudane Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda la qaato kulamo sidan oo kale ah diblomaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta Qarammada Midoobay, isagoo maanta oo Jimco ah lagu wado inuu khudbad ka jeediyo shirka golaha ammaanka ee Ummadaha Midoobay oo looga hadlayo Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya