Dab geystay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo xalay ka kacay degmada Salagle ee Jubbada dhexe

Jimco,  14 Janaayo, 2011 (HOL) – Dabkan oo sababay qasaaro isugu jirta naf iyo maal ayaa waxa uu xalay saqdii dhexe ka kacay suuq-weynaha degmada Salagle ee gobolka Jubbada dhexe ee koonfurta Soomaaliya.

Dabkan ayaa waxa uu  yimid kadib markii ay maaso ka dhalatay matoor ka shidnaa halka uu dabka ka kacay ee gudaha suuqa weyn ee degmada Salagle, waxaana uu hal mar ku faafay dabkii guud ahaanba suuqa, iyadoo ay halkaasi ku burburtay hantida dad fara badan waxaana ku geeriyootay haweeney kamid ahayd milkiilayaashii xarumaha ganacsi ee ku basbeelay dabka.

Sheekh Khaalid Macalim oo ah gudoomiyaha degmada Salagle ayaa sheegay inay halkaasi u direen gurmad deg deg ah isagoona sheegay in ay ku guuleysteen in ay damiyaan dabka, wallow uu sheegay in ay qasaaro soo gaartay ganacsato badan oo xarumo ganacsi ku lahayd goobtii uu dabka ka kacay.

Ugu danbeyntii Maamulka degmada Salagle ayaa ugu baaqay ganacsatada suuqa degmadaasi iyo milkiilayaasha matoorada dabka bixiya in ay ka taxadaraan dab ka dhasha gudaha suuqaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya