Talaado, Ogoosto 16, 2011 (HOL) – Dhibaatooyin iyo xaalado caafimaad daro ah oo aad u liita ayaa waxaa laagu soo waramayaa inay ka jiraan qaar ka tirsan Xeryaha ay ku nool dadka barakacayaasha ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobbalka jubbada hoose, ayadoona arintani ay saameyn xoogan ku yeelatay nolasha qoysaska dan yarta ah ee ku dhaqan xeryaha Kaamaka Magaalada Kismaayo.
Xaaladanahani caafimaad darada ah ee laga soo sheegayo Xeryaha dadka Barakacayaasha ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa loo aaneenayaa Nafaqo daro,Cuno la’an iyo dhibaatooyin dhanka noolasha ah oo ka jira xeryahaasi.
Xeryaha kala ah, Shaale,Warshadii Dhuxusha iyo Warshadii hore ee Hilibka ee Magaalada Kismaayo oo xiligaan ay ku noolyihiin qoysas ka soo Barakaay abaaraha iyo Macluusha ka jirta gobbalada dalka ayaa waxaa xiligaan ka dilaacay Xanuuno ay kamid yihiin,Shuban Biyood,Jadeeco iyo Malaariyo ayadona dadka ugu badan ee ay cuduradaasi soo riteen ay isgu jiraan Caruur da’doodu ay ka yatahay Shanta sano iyo Hooyooyin Xaamilo ah.
Shaale Jiis’ oo ah Gudoomiyaha Xerada Shaale ee ku taalo Xaafada Farjano ee Magaalada Kismaayo ayaa HOL u sheegay in xaalada xaga caafimaadka iyo dhanka nolasha ee Xeryaha Magaalada Kismaayo ay aad u liidato,isagoona sheegay in xiligaan ay dhamaanba xeryaha Barakacayaasha ay ka jiraan xaalado cafimaad dar,waxa uu intaasi ku daray in dad kor u dhaafayo Tobaneeyo ay ilaa iyo haatan soo riteen Cudurada Shuban biyoodka iyo Malaariyada
Magaalada Kismaayo waxaa ku yaalo Xeryo gaaraya ilaa 55-Kaam oo ay ku jiraan dadka ay soo barakiciyeen abaaraha,Macluusha iyo dagaalada ka jira gobbalada dalka Somalia, waxaana xeryahaasi ka tagan dhibaatooyin iyo daruufo adag o dhanka nolasha ah.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya