Burcabadeed Soomaaliyeed oo madaxfurasho lacageed kusii daayay markab laga leeyahay Jasiiradda Malta

Talaado, Ogoosto 16, 2011 (HOL) – Burcabdadeed Soomaalida ayaa madaxfurasho lagaceed kusii daayay markab nooca xamuulka ah oo laga leeyahay Jasiiradda Malta iyo shaqaalihiisii oo afduub lagu qabaday bishii Feberaayo ee annadkan.

Afhayeenka ciidamada la dagaalanka burcadbadeedda ee ku sugan biyaha dalka Soomaaliya Harrie Harrison ayaa sheegay in markabka oo lagu magacaabo MV Sinin iyo 23 shaqaaalihiisa ah la sii-daayya Axaddii shalay kaddib markii la bixiyay lacag madaxfurasho oo aan cadadkeeda la sheegin.

"Shirkadda iska leh markabka ayaa xaqiijisay sii-dayntiisa kaddib 182 maalmood oo uu gacanta ugu jiray kooxihii afduubay, iyadoo sidoo kale ciidamada la dagaalanka burcadbadeedda ay sheegeen in markabku uu ka shiraacday biyaha Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in shaqaalaha markabka la socday ee 23-ka xubnood ah ay 12 ka mid ah u dhasheen dalka Iiraan, halka 10 ruux ee kalena ay kasoo jeedaan dalka Hindiya, iyadoo la sheegay in shaqaaluhu ay caafimaad qabaan.

Markabka oo waday shixnad culeyskeedu yahay 52,466 ayaa markii afduubka lagu qabsanayay ayaa wuxuu ka yimid imaaradda Fujairah ee dalka Imaaraadka Carabta isagoo ku socday dalka dalka Singapore.

Biyaha Soomaaliya ayaa waxay ahayd midda ugu khatarta badan ee ay ka dhacaan afduubyada maraakiibta, inkastoo bilihii ugu dambeeyay aysan ka dhicin wax afduubyo ah, taasoo loo aaneynayo howlgallada ciidamada NATO iyo badda oo kacsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya