Talaado, Ogoosto 16, 2011 (HOL) – Ugu yaraan shan qof oo dhinacyadii dagaalamay iyo shacab isugu jiray ayaa ku dhintay dagaallo goos-goos ah oo xalay ku dhexmaray Muqdisho ciidamada DKMG ah oo kaashanaya AMISOM iyo Xarrakada Al-shabaab, waxaana dagaalladan ku dhaawacmay tiro ka badan inta dhimatay.
Dagaalladan ayaa ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Karaaan, jidka warshadaha iyo weliba wadada aadda afgooye, waxayna ka dhasheen weerarro ay Al-shabaab ku qaaday goobahaas.
Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa waxay illaa todobaadkii hore ku fidayeen degmooyinkii ay ka baxday Al-shabaab, waxayna la kulmayeen weerarro kaga imaanaya kooxdan oo awood badan ku leh Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Dadka ku dhintay dagaalladan ayaa qof ka mid ah uu ahaa rayid kaasoo ay rasaas kula dhacday xaafado ku dhow jidka warshadaha, iyadoo afarta kale ay ahaayeen labada dhinac ee dagaalamayay.
Xaafadihii lagu dagaalamay ayaa dagan, iyadoo dhinacyada uu dagaalku dhexmaray aysan ka hadlin dagaallada iyo khasaaraha kasoo kala gaaray, waxaase dhinac walba uu sheegaa marka uu hadlayo inaysan jirin khasaare soo gaartay.
Dagaalladan ayaa imaanaya iyadoo Xarakada Al-shabaab ay sheegtay maalin ka hor inay soo af-jartay qaybtii hore dagaallo ay la gashay ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah kuwaasoo ay sheegtay inay khasaare badan ku gaarsiisay dhinacyada, balse AMISOM ayaa beenisay in askar badan laga dilay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya