Madaxweynaha dalka Jabuuti iyo wafdi uu hooggamainayo oo socdaal ku yimid Magaalada Muqdisho

Talaado, Ogoosto 16, 2011 (HOL) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa daqiiqado ka hor kasoo dagay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo uu yimaado Soomaaliya tan iyo markii uu xilka madaxweynenimo ee dalkaas la wareegay.

Xubno sarsare oo ka tirsan dowladda KMG ah ayaa kusoo dhaweeyay garoonka, waxaana durbadiiba ay xubnaha dowladda iyo wafdiga Geelle aadeen xerada weyn ee Badbaado, waxana si aad ah loo adkeeyay ammaanka guud ee jidadka uu marayo wafdiga.

Booqashada Ismaaciil Geelle ayaan la xiriirtaa xaaladaha ammaan iyo midda bani'aadamnimo ee ka taagan dalka, gaar ahaan Muqdisho. Iyadoo aan la ogeyn inta casho ee ay qaadan doonto booqashadiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa socdaal uu shalay ku aaday dalka Burundi soo gaabiyay, waxaana ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia ay u xaqiijiyeen HOL in Sheekh Shariif uu safarka u soo gaabiyay imaanashaha Geelle.

Mudane Ismaaciil Geelle ayaan la hadlin saxaafadda waxaana lagu wadaa inuu xarunta madaxtooyada Soomaaliya uu kula kulmo kulmo madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo madaxda kale ee dowladda Soomaaliya.

Xukuumadda Jabuuti ayaa horay ugu baaqday inay Soomaaliya u soo dirayso 450 askari oo ka mid noqda ciidamada AMISOM oo ka socda Midowga Afrika, waxaase imaanshihiisan ay kusoo beegmaysaa xilli Al-shabaab ay faarujisay dhufeyso badan oo ay kaga sugnayd Muqdisho.

Wixii warar ah ee kusoo kordha socdaalka Madaxweynaha Jabuuti kala soco wararkeenna dambe.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya