Talaado, Ogoosto 16, 2011 (HOL) – Inkastoo markii aan ka baxay Gabiley ay i hareera yaacayeen dhirta cagaaran iyo beeraha hormaysani, haddana waxa jewi ka duwan kii hore aanu galnay markaanu gaadhnay Deegaanka Kala-baydh ee Galbeedka Gabiley. Waa goor fiid-cawl ah, cadceedda intii ay la soo jeeddayna waxa qariyay daruuro u muuqday inay isugu yeedhanayaan sidii ay Roob u curin lahaayeen. Waxa geedaha lulaya Foore aad mooddo inay baratan kaga soo dheeraysay dhibicda Roobka.
Deegaanka Kala-baydh iyo Degmada Dila inta u dhaxaysay oo aanu u kala soconay muddo 20 daqiiqo ah, waxa aan naga hadhin sanqadha Galka biyaha ah ee jidka fadhiya ee Taayirka Gaadhigu kala jeexayo iyo daruuraha xawaaraha ku socda ee marba-marka ka dambaysa soo dhawaanaya. Goor ku siman wakhti caadiyan markaanay Daruurtu jirin ay cadceeddu god-gasho, ayuu nagu bilowday Roob. Balse, ma hakin socodkayagii. Waxa laga yaabaa in aad is-weydiisaan cidda igu lammaan ee aan isku jamcinayo – Waxa socdaalka igu wehelinayay tiro kooban oo dad ah oo gaadhi-wadaag aanu ahayn. Walow aanay suurtogal ahayn in qumaati looga eegmada bogto deegaanka iyo muuqaalkiisa oo xoogga dhibica Roobku diidayay taas, haddana himbiriirsi ahaan, deegaanku wuxuu ahaa mid wakhtiyadaasba roobbanaa, wax hore u-soo-marayba, ka nabad-galay abaaraha baahay. Faallo iyo suurayn kale toona uma baahna in abaari hayso halka Roob ka daáy iyo in kale. Waxase ujeeddadu tahay in la sawiro in ilaa Borama uu is-haystay Roobkaasi.
Waa fiidnimo, dhalaalka Biyaha ee jidadka ka muuqda iyo walwalka qabow ee sida goos-gooska ah u dhacaya, ayaa marag u ahaa in Roob xooggani ku itaalsaday magaalada. Markii aan Gaadhiga ka degayba, waxa I sigay Gaadiid yar oo aan guux badnayn, Alleenkeeduna (Hoonka) aanu xoogganayn, isla markaana aan dan ka galayn Jid iyo jid-laáan ee iyadu halkii ay mari kartaba marta, waa Gaadiidka Tik ama Bajaaj loogu yeedho oo magaalada ku badan. Waxay u muuqataa inay bedeshay inta badan Basaskii isaga gooshi jiray Magaalada dhexdeeda, inkasta oo ay iyaga laf ahaantoodu wali shaqeeyaan. Waxay qaaddaa saddex qof iyo wadaha, kama daasho inay isaga gooshto meel kasta oo magaalada dhexdeeda ah oo gaadiidka ka itaalka-rooni mari karo. Waxay u tiro badan yihiin oo ay isu-weydaaranayaan sida dadka, habeennimo hadday tahayna, waxaad arkaysaa Il ama Leydh wayn oo dhexda ku beegan iyo laba Ilood (Nal) oo yaryar oo hareeraha ka baxaya. Waa astaanta habeenimmo ee markay kaa hor timaaddo aad ku garan karto in ay tahay gaadiidka yaryar ee Bajaajta loo yaqaano.
Magaalada iyo deegaannada ku dhawi waxay nimcada Raxmaadka la qabaan deegaannada kale ee Gabiley u horrayso. Maalmahaas ayaa la sii hadal-hayay laba qof oo uu Danab ku dilay deegaankaas, sababtoo ah, waxa si xidhiidh ah u dayay Roob dhibco-weyn oo dad iyo duunyaba maasheeyay. Magaalada halkaad istaagto ee aad u hollato inaad wax ka iibsataba, waxa wakhti kaa gelayaa in aad xaqiijiso nooca lacagta aad wax ku doonayso iyo inaad wax ku iibsato. Sababtoo ah, magaalada Borama waxay kulmisaa saddex astaamood, waa Lacagaha; Shilinka Somaliland, Birta (Riyaalka) Itoobiya iyo Lacagta Dollarka Maraykanka. Waxase badan inta wax lagu iibsado Birta iyo Shilinka Somaliland. Dadka u muuqda inay ujeeddo-laáan makhaayadaha u fadhiyaan uma badna sida magaalooyinka kale ee dalka, wayse la wadaagaan camal-laáanta baahsan. Magaalada way ka muuqataa astaanta ay wadaagaan deegaannada Soomaalidu ee iibinta Geedka Qaadka, maxaa yeelay, waxaabay deris la tahay oo xuduudkeeda ay ku gudban tahay Itoobiya oo ah halka laga keeno Qaadka Somaliland soo gala. Taas waxa maraggeeda xoojinaya, goob kasta iyo goor kastaba waa lagu iibinayaa Geedkaas.
La soco berri qaybo kale oo xiiso badan iyo xaqiiqada nolosha deegaanno badan…
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland