Khamiis, Oktoobar 21, 2010 (HOL) - Dagaalkan oo ah mid aad u culus islamarkaasina la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu goordhawayd ka qarxay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, waxaana uu dagaalku u dhexeeyaa Xoogaga Xarakada Alshabaab iyo Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo garab ka heleysa ururka Ahlusunna Waljameeca.
Wararka aynu ka heleyno degmada Beledxaawo ayaa sheegaya in dagaalku bilowday maanta gabaldhicii, ilaa iyo hadana uu dagaalku socdo, waxaana ay sheegeen qaar katirsan dadka ku dhaqan degmada Beledxaawo oo ay HOL la xiriirtay in dagaalku uu yahay mid aad u weyn oo la isku adeegsanyo hubka noocyadiisa kala duwan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka ay qaadeen xoogaga xarakada alshabaab oo dhawaanahanba waday abaabullo dagaal oo aad u xoogan kuwaa oo ay ku doonayeen in ay ku hantaan gacan ku haynta degmada Beledxaawo.
Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay, dagaalka oo ah mid aad u culus awgeed, mana jiraan masuuliyiin katirsan dhinacyada dagaalamaya oo ka hadlay dagaaladaasi.
Wixii warar ah ee kasoo kordha dagaaladaasi waxaan idinku soo gudbin doonaa wararkeena danbe Insh'allaah.
Xasan Nuur, Hiiraan Online[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya