Maamulka degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo ka hadlay dad xalay lagu laayay degmadaas

Khamiis, October 21, 2010 (HOL) - labo ruux ayaa ku geeriyooday 11 kalena waa ay ku dhaawacmeen rasaas ay kooxo dablay ah xalay ku fureen dad isugu jiray shacab iyo askar oo ku sugnaa meel ku dhow xarunta dowlada hoose ee magaalada Galkacyo.

Dadka geeriyooday waxaa ka mid ah askari ka tirsan ciidanka canshuuraha ,waxaana la sheegay in boliska ay hayaan gaarigii weerarka soo qaaday oo ahaa nooca loo yaqaan marketka.

"Lama garanayo sababta arinta keentay balse baaritaan ayaa socda, waxaana aan gacanta ku haynaa gaarigii weerarka soo qaaday " ayuu yiri duqa degmada Galkacyo oo BBC-da u waramay maanta duhurkii.
 
Waxaa kaloo uu duqa sheegay in ay jiraan dad laga shakiyay oo gacanta lagu hayo,isagoo intaa ku daray in ay socdaan baaritaano lagu raad joogo dablayadii xalay dhibka gaysatay.

Dad goob joogayaal ah oo ku sugan Galkacyo ayaa HOL u sheegay in gaariga ay ciidamada qabteen uusan lahayn wax taariko ah,waxaana xalay la baarayay dhamaan gaadiidka isticmaal laamiga wayn.

"Looma qaadan karo in loogu tala galay arimo siyaasadeed falkii dhacay, balse waanu ku raadjoognaa" ayuu hadalkiisa sii raaciyay C/rixmaan Maxamuud isaga oo ku sugan Galkacyo Ugu danbayntii magaalada Galkacyo ayaa inta badan waxaa ka dhaca falal caynkan oo kale ah ,waxaana maamulka degmada uu bilaabay dadaalo la xiriira wax  ka qabashada xaaladaha amni daro ee gobolka ku soo kordhay.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Somaliya