Puntland oo nasiib u heshay martigalinta tartanka koobka gobollada Soomaaliya

Khamiis, October 21, 2010(HOL):  Madaxda  Puntland ayaa sheegay in ay marti galinayaan koobka gobolada Somaaliya oo ay ka qayb gali doonaan  dhamaan gobolada dalka kooxo ka socda ,waxaana koobkan loogu magac daray dhiiri galinta nabada Somaliya.

Wasiirka maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxwaynaha uu ogolaaday in koobkan lagu qabto magaalooyinka kala duwan ee gobolka.

Waxaa kaloo uu xusay in martigalinta koobkan lagu ansxiyay kulan ay qaateen masuuliyiinta ugu saraysa golaha xukuumada Puntland ayna imaan doonaan caasimada Puntland 18-ka gobol ee Somaliya kooxo ka socda si ay koobka uga qayb galaan.

"Waxaan ku dhiirigalinayaa dadka Puntland in koobkan martigalintiisa ay fursad wayn u arkaan ,ayna soo dhaweeyaan walaalahooda ka imaanaya gobolada kale " ayuu wasiirka u sheegay warbaahinta.

Sidoo kale waxa uu wasiirka sheegay  in tartankan ay Puntland uga qayb gali doonaan shan gobol oo kaliya ,isla markaana qaar ka mid ah la isku dhafi doono ,maadaama Puntland ay nasiib u heshay martigalinta.

Ugu danbayntii gobolada Puntland waxaa ka socda diyaar garow la xiriira ciyaarahan ,waxaana koobkan lagu dhiiri galinayaa kor u qaadista nabada Somaliya iyo is dhexgalka bulshada.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Somaliya