Xarrakatul Shabaab Mujaahidiin oo Muqdisho kusoo bandhigtay ciidammo ay tababarro u soo xireen

 Khamiis, October 21, 2010 (HOL) – Xarrakatul Shabaab ayaa Muqdisho kusoo bandhigtay maanta boqolaal ciidammo oo tababarro kusoo qaatay gobollada dalka, waxaana halkaas kula hadlay saraakiil uu ka mid yahay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur).

“Ciidammadan waxay kayd u yihiin walaayada gobolka Banaadir, waxyna diyaarsan u yihiin inay cadowga Ilaalahay dhabarka jabiyaan, waxaana rajeynaynaa inay dhiba ka dulqaadan walaalahooda Muqdisho ku nool,” ayuu yiri afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere).

Afhayeenku, wuxuu sheegay in ciidankan loogu magacdaray Sheekh Mustafa Abuu-Yaziid, ayna diyaar u yihiin inay dagaal la galaan cadowga dalkeenna kusoo duulay, isagoo xusay inay yihiin kuwa ay shacabka Muqdisho ka rajeynayaa inay cadowga ka dulqaadaan.

Sheekh Cali dheere, wuxuu intaas ku daray in ciidammadan ay u sheegeen in lala dagaalamyo diinta Islaamka, ayna yihiin kuwo ay shacabku ka doonayaan inay difaacaan. Isagoo intaas ku daray in shacabka looga baahan yahay inay gacan siiyaan, maadaama ay u taagan yihiin inay difaacaan.

“Sheekh Mustafa Abuu-Yaziid, Raximahullaah… haddii ay Mareykanku gantaal ku dileen, waxay ogaanayaan inay yihiin ardaydiisii, ayna diyaar u  yihiin inay u aargudaan,” ayuu yiri Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) oo la hadlay ciidammada lasoo bandhigay.

Wuxuu sheegay Sheekh Mukhtaar sheegay in hubka ay ciidammadani haystaan uu yahay hub uu ku bixiyay Mareykanku si toos ah iyo si dadban, isagoo sheegay inay ka furteen ciidammadii uu siiyay sida kuwii Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

“Mareykan, waa jabeen, waxaana Alle mahaddiis ah inaan kula dagaalamayno hubkiisii, inaan ka adkaano ayaana rajeynaynaa, maadaama ay hubkiisii ka hareen diyaarado,” ayuu yiri Sheekh Mukhtaar Roobow, isagoo kula dardaarmay ciidanka inaysan baqin oo ay sugnaadaan.

Boqolaalka ciidan ee dhoollatuska ku sameeyay waddooyinka Muqdisho qaarkood, ayaa waxay ku qaylinayeen erayo lagu soo tababaray, waxayna xambaarsanaayeen qoryo fudud, iyagoo ku labisnaa dharka ciidammada milateriga.

Ma ahan, markii ugu horreysay oo Xarrakatul Shabaab ay kusoo bandhigto ciidammo magaalada Muqdisho, waxaana ciidanka lasoo bandhigay xilli ay Muqdisho ka daggan tahay dagaallo ka socday toddobaadyadii ugu dambeeyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya