Odayaasha degmada Cadaado oo ku guuleystay inay sii dayaan mas'uul laga afduubay Save the Children

Khamiis, October 21, 2010 (HOL) − Odayaasha degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa ku guuleystay sii-daynta Samofale British ah oo koox hubeysan ay ka afduubeen toddobaadkii hore degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud.

Samofalahan, oo ka tirsan hay'adda Save the Children, ayaa waxaa lasii daayay shalay oo Arbaco ahayd, iyadoo aan wax dhibaato la gaarsiin, waxaana afhayeenad u hadashay hay'addu ay inkirtay warar sheegayay in sarkaalkooda lagu sii daayay 100,000 oo dollarka Mareykanka ah.

"Frans Barnard, waxaa la sii daayay iyadoo aan wax dhibaato ah loo geysan, mana jirto lacag madaxfurasho ah oo la bixiyay, waana been wararka sheegaya in lacag la bixiyay," ayay tiri Anna Ford oo u hadashay Save the Children.

Sarkaalkan iyo ruux Soomaali ah oo la shaqeynayay ayay dabley hubeysna kala baxeen dhismaha hay'addu ay ku lahayd degmada Cadaado habeenkii Jimcaha, waxaana sii dayntiisa dhexda u xirtay odayaasha degmada.

Kooxaha afduubka geystay, ayaa labadan qof geystay goob ay awood badan ku leeyihiin oo ka tirsan Gobolka Mudug, iyadoo odayaasha beesha ay kasoo jeedaan ay si amar ah uga dalbadeen inay sii-daayaan Barnard.

Ruuxa Soomaaliga ah ee la socday sarkaalka British-ka ah ayaa lasii daayay maalin kaddib markii afduubka loo qabsaday, iyadoo kooxaha afduubka geystay aysan ku xirin sii-daynta sarkaalka lacag madaxfurasho ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya