Jimco, 01 October, 2010 (HOL)- Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in Soomaaliya la dhiso Dawlad-Qarameed cagihiisa isku taaga, isla markaana wuxuu baaq u jeediyay Garaaddada iyo Madax-dhaqameeddada Gobolka Sool.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland waxa uu ka hadlay sugidda Amniga iyo kaalinta shacabku ku leeyahay, waxaanu dedafeeyay inay xukuumad ahaan ogolaan karaan in
Dr. Gabboose wuxuu sheegay in Ciidamada Booliska ee magaalada Berbera ay fashiliyeen hawl-gal aanu faahfaahin, balse ka dhan ah nabadgelyada, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Saacaddaa aanu joogno waxaanu Berbera ku fashilinay hawl-gal wayn oo aanu warbaahinta u soo bandhigi doono. Mararka qaar hadday wax fakadaanna wax lala yaabo maaha, sababtoo ah dalka u wayn dunida ee Maryakanka ayaa duhur cad Diyaaradheeda lagu weeraray, taa macnaheedu maah in aanu dalku feejignaan ku jirin, waanu taxadirnaa intii awooddayada ah.”
Wasiirku wuxuu ka digay khatar dalalka Geeska Afrika kaga soo fool-yeelata xasillooni-darada ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaanu Beesha Caalamka ugu baaqay in la dhiso dawlad cagaheeda isku taagta. “Soomaaliya iyo Muqdisho arrinta ka socota haddaan la xalin, madnaqadda oo dhan ayay khatar ku tahay, Itoobiya, Kenya, Somaliland iyo guud ahaan dalalka Mandaqadda Geeska Afrika ayaan ka badbaadayn. In xal loo helo oo Qaran jira oo cagihiisa ku taagan la helo, ayay madnqadda ku badbaadaysaa,” ayuu yidhi Gabboose, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “
Mar uu Wasiirku ka hadlayay afduub ka dhacay Deegaanno ka tirsan Gobolka Sool oo lagu qafaashay dad shacab ah, si xukuumadda
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
Hargeisa,