Jimce, 01 Oktoobar 2010, (HOL)- Madaxwaynaha Puntland C/rixmaan Maxamed Faroolle iyo wafdi la socda ayaa la sheegay in ay gaareen maanta magaalada Sanca ee caasimada wadanka Yemen ,waxaana soo dhawayn balaaran u sameeyay masuuliyin ka tirsan wadankaasi.
Safarka uu madaxwaynaha ku tagay Sanaca waxaa ku weheliya xubno ka mid ah golihiisa wasiirada ,waxaana ay ka soo duuleen magaalada Adis Ababa ee caasimada Ethobpia oo ay ku sugnaayeen muddo maalmo ah.
Madaxwaynaha ayaa lagu wadaa in uu kaga qayb galo Sanca shirar muhiim ah oo looga hadlayo burcad badeeda xeebaha Somaliya oo si aad ah u soo kordhay labadii sano ee u danbaysay.
Waxaa kaloo madaxwaynaha uu ka codsan doonaa madaxda uu la kulmi doono in Puntland laga taageero dhinaca dhaqaalaha iyo amaanka si looga hortago dhibaatoyinka hada jira.
Wasiirka arimaha gudaha Puntland C/laahi Jaamac oo ay la xiriritay warbaahinta ayaa sheegay in marka ay kullamada soo dhamaadaan ay dib uga soo laaban doonaan gudaha Puntland, si ay uga warbixiyaan
safaradoodi.
Ugu danbayntii madaxwaynaha Puntland ayaa intii uu ku sugnaa Adiss Ababa waxa ay wada kulmeen masuuliyin ka tirsan dowladaasi si looga taageero dhinacyo badan,waxaana safarada madaxwaynaha ay imaanayaan ,iyadoo ay xaalado amni xumo ay ka jiraan meelo ka mid ah gudaha
Puntland.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya