Jimco, Oktoobar 01, 2010 (HOL) - Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrika ku yaalla ayaa waxay sannadaha soo socoda ka khatar badnaan doonaan dhinaca argagaxisada dalka Afgaanistaan, sidaa waxaa sheegay madaxa Interpol oo wareysi uu Khamiistii siiyay wakaaladda wararka AP.
Mr. Ronald K. Noble ayaa wareysigiisa ku sheegay in dhallinyaro badan oo Soomaali ah ay tababarro kusoo qaateen dalalka Afgaanistaan iyo Bakistaan, kuwaasoo doonaya inay dalkooda ka dhigaan saldhig ay ka duusho wuxuu ugu yeeray argagaxisada.
Soomaaliya oo aanay wax dowlad ah oo shaqeysa ka jirin tan iyo 1991-kii, ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haya xoogagga dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda, kuwaasoo dagaal kula jira xukuumadda iyo ciidammada ilaalada ka haya ee AMISOM.
"Innagu, waxaan rumeysannahay in Soomaaliya iyo dalal kale oo waqooyi-galbeed Afrika ku yaalla ay isku badali karaan Afgaanistaan inta u dhexeysa shanta sano ama 10-sano ee soo socoda," ayuu K. Noble ku sheegay wareysiga uu siiyay AP, isagoo ka qaybgalaya shir looga hadlayay nabadda oo ka dhacay Magaalada Brussels ee dalka Belgium.
Hadalka Noble, ayaa imaanaya kaddib markii laba casho ka hor la fashiliyay weerarro la sheegay inay kooxo ay tababartay Al-qaacida ay weerarro ka geysan lahaayeen magaalooyinka waaweyn oo ku yaalla dalalka Yurub qaarkood..
Madaxa Interpol, wuxuu sheegay in haya'adda Interpol oo ay xubno ka yihiin 188-dal oo caalamka ku yaalla ay baaritaanno ku aaddan arrintaan wadaan, isagoo xusay in baaritaannadaas ay sii socon doonaan.
"Sannadkii hore, waxaana garoommada caalamka ka dhoofay 1 billion oo qof, 600-Milyan oo ka mid ah ma jirto wax baaritaanno ah oo lagu sameeyay, marka la eego diiwaangelinta Interpol ay sameysay, waxaana laga shakisan yahay inay ku jireen kooxo argagaxiso," ayuu yiri Madaxa Interpol.
Sidoo kale, Noble wuxuu sheegay in koox Islaami ah oo ka dhisan waqooyiga Afrika oo lagu magacaabo AQIM ay tahay mid walaac xoog leh ay ka qabaan inay weerarro geysan karaan, waxaana kooxdan ay Khamiistii shaaciyeen cajalad fiidiyow ah oo ay ka muuqdeen dad ay afduub kaga soo qabsadeen laba toddobaad ka hor dalka Nayjer.
Xarrakatul Shabaab oo ah kooxda ugu awoodda badan kooxaha ka dagaalama Soomaaliya ayaa lala xiriiriyaaa urur-weynaha Al-qaacida, iyadoo sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadii lagu dilay 76-qof ee ka dhacay dalka uganda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya