Jimco, 01 October, 2010 (HOL)- Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa dhalinyarada reer Somaliland ee dalka gudihiisa ku nool ugu baaqay in ay ka fogaadaan daawashada filimada ka sheekeeya xag-jirnimada iyo is-qarxinta, isla markaana aanay u dheg-taagin falalka is-qarxinta iyo dhibaatooyinka kale ee ka socda dalal badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, waxa uu sidaa ka sheegay mar uu shalay ka qaybgalay xaflad loo qabtay arday ka qalin jabisay mid ka mid ah Dugsiyada Barashada luuqadaha iyo Koombiyuutarada ee magaalada Hargeysa. “Waxaan dhalinyarada uga digayaa waxa weeye, dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya iyo falalka xag-jirnimada ah oo aan wax shaqo ah ku lahayn Islaamnimada,” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan leeyahay dhalinyarada horseed ka noqda ilaalinta nabadgalyada. Waxaan idinkula dardaarmayaa in aad noqotaan dad ku fikira sidii dadku ugu noolaan lahaayeen nabadgalyo, hana dhegaysanina filimada iyo waxyaabaha dhiiri-gelinaya xag-jirnimada.”
Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sh Khaliil Cabdilaahi Axmed, waxa uu sheegay in diinta Islaamku tahay diin nasteex oo dhiirigelisa nabadgalyada, waxaanu yidhi “Maaha dadka kale in aynu u muujino in diinteenu tahay diin argagixiso iyo dil, Diinta Islaamku waa diin wanaagsan oo fudud oo macaan nabadgalyo ka talisna ah.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
Hargeisa,