Madaxweyne Shariif oo ku sugan Jabuuti, maantana u duulaya dalka Kenya si uu ula kulmo madaxda dalkaas

Jimco, Oktoobar 01, 2010 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi xildhibaanno iyo wasiirro isugu jira oo u sugan dalka Jabuuti ayaa isla maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

Sheekh Shariif iyo wafdigiisa oo shalay gaaray dalka Jabuuti, kaddib booqasho maalin ah oo ay kusoo qaateen dalka Itoobiya, ayaa isla shalay la qaatay kulan ay irduhu u xirnaayeene madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in labada madaxweyne ay ka hadleen sidii ay xiriirka labadooda dowladooda ka dhexeeya ay u adkeyn lahaayeen, sidoo kalena ay gacan uga geysan lahayd Jabuuti soo celinta nabadda Soomaaliya.

Dalka Jabuuti, oo ka mid ah urur goboleedka IGAD ayaa horay u ballanqaaday inuu Soomaaliya u dirayo ciidammo nabad ilaalin ah oo gaaraya 450-askari, inkastoo aanay weli u dirin dalka Soomaaliya.

Socdaalka Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa qayb ka ah socdaallo uu ku marayo dalalka bariga Afrika, kuwaasoo la sheegay inuu ku weydiisanayo inay dowalddiisa ka siiyaan gacan sidii ay ammaanka u soo celin lahayd.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo maanta ku wajahan Nairobi ayaa lagu wadaa inay halkaas ku joogaan safar maalin ah, ayna la kulmaan madaxda dalkaas, iyagoo kala hadlaya xaaladda Soomaaliya, waxayna dib ugu laaban doonaan Muqdisho.

Sheekh Shariif, ayaa laga dhowrayaa inuu soo magacaabo ra'iisul wasaare cusub oo badala Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, oo xilkiisa isaga casilay toddobaad ka hor muran dastuuri ah oo soo dhexgalay isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya