Sabti, May 15, 2010 (HOL) − Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta Golaha Shacabka oo lagu wado inuu berri ka furmo Shirka Baarlamaanka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in 19-sano kaddib lagu qabto shirka Baarlamaanka Golaha Shacabka, isagoo xusay in xildhibaannada kasoo qaybgalaya kulanka aan loo ogolaan doonin inay xarunta lasoo galaan hub.
"Kulanka baarlamaanka wuxuu berri ka furmayaa golaha Shacabka, waxaana ugu baaqaynaa xildhibaannadu inay anshaxa ilaaliyaan ayna kulanka kasoo qaybgalaan" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe isagoo ka digay in fowdo laga abuuro kulanka.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inay ilaalin doonaan ammaanka guud ee kulanka, iyadoo hoolka shirarka ay yaaleen kuraas iyo cod-baahiyeyaal, waxaana lagu xardhay qoraallo kala duwan.
"Waxaa jira xildhibaanno doonaya inay carqaladeeyaan kulanka baarlamaanka ha ogaadaan lagama ogolaan doono inay kulanka cabad ku noqdaan, haddii ay joojin waayaan fowdadana tallaabo ayaa laga qaadi doonaa" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisul wasaarihiisa Cumar C/rashiid ayaa lagu wadaa inay ka qaybgalaan kulanka Baarlamaanka, iyagoo ka jeedin doona hadallo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya