Sabti, May 15, 2010 (HOL) − Xildhibaanada kasoo horjeeda guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay inay berri ka qaybgalayaan kulanka baarlamaanka ee furmaya ayna codka kalsoonida u qaadi doonaan Sheekh Aadan Madoobe.
Mudane Cumar Islow Maxamed oo shir jaraa'id qabtay kaddib kulankooda ayaa xusay inay ka go'an tahay inay ka qaybgalaan kulanka berri ka furmaya Golaha Shacabka ayna doodaha baarlamaanka qayb ka qaataan.
"Shirka berri oo Axad ah furmaya waana ka qaybgalaynaa, waxaana ka dalbaynaa walaalaheenna kale inay ogolaadaan in codka kalsoonida loo qaado Sheekh Aadan Madoobe" ayuu yiri Xildhibaan Cumar Islow.
Wuxuu xildhibaanku sheegay inaysan doonayn inay muran ka dhaliyaan fadhiga, balse ay doonayaan in haddii Sheekh Aadan Madoobe uu helo codka kalsoonida uu hoggaamiyo baarlamaanka, haddii uu waayana uu isaga tago howsha.
"Xildhibaannada kasoo horjeeda guddoonka waa 360-mudane, waxayna ka badan yihiin kala-bar xubnaha baarlamankaa oo ka kooban 550-xubnood, sidaa daraadeed diyaar ayaan u nahay in Sheekh Aadan Madoobe codka kalsoonida loo qaado" ayuu yiri Xildhibaan Cumar Islow.
Mudanayaashan ayaa sheegay haddii uu Sheekh Aadan Madoobe codka waayo inay qofka ugu da'da weyn Baarlamaanka u dooranayaan gudoonka shirka, haddii uu Aadan Madoobe helana uu kulanka halkiisa kasii socon doono.
Khilaafka Baarlamaanka ayaa weli muuqda iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka uu sheegay inuu isagu yahay guddoomiyaha rasmiga ah, waxaana lagu wadaa in kulanka ay kasoo qaybgalaan Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xildhibaannada kasoo horjeeda guddoonka Baarlamaanka oo sheegay inay codka kalsoonida u qaadayaan Sheekh Aadan Madoobe
More News
- Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maanta xarigga ka jaray xarunta Golaha Shacabka oo lagu wado in berri uu ka furmo kulanka baarlamaanka
- Munaasabado lagu xusayo Sannadguuradii Aasaaska Ururka Dhallinyarada SYL oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho
- Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ciidamo ay kusoo tababartay Gobollada dalka Soomaaliya geysay Magaalada Muqdisho
- Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay inaysan diyaar u ahayn inay wadahadal la furaan Dowladda Soomaaliya
- Wasiirka Lacagta Soomaaliya oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu hortago baarlamaanka si su'aalo looga weydiiyo howlaha Wasaaraddiisa
- Xukuumadda Soomaaliya oo ka codsatay Dowladda Ruushka inay caddeyso halka ay ku dambeeyeen 10-Burcadbadeed oo lagu qabtay howlgal
- Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo degmada Xarardheere ku dhaxmaray Ciidamo ka wada tirsan Ururka Xisbul Islaam.
- Xukun tacsiir ah oo shalay gelinkii danbe ka dhacay fagaaraha Beerta Xoriyadda ee Bartamaha Degmada Kismaayo.