Xukunkaan tacsiirta ah ayaa shalay gelinkii danbe waxa uu ka dhacay fagaaraha weyn ee beerta xoriyadda ee bartamaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka j/hoose, waxaana lagu fuliyay laba dhalinyaro ah oo ku eedeysnaa falal danbiyeedyo kala duwan.
Labada dhalinyaro ee shalay gelinkii danbe la tacsiiriyay ayaa waxa ay kala ahaayeen Wiil iyo Gabar lagu magacaabo Caasho Cali Axmed iyo Max’ed Cumar Cismaan, waxaana ay maxkamadda degmada kismaayo cadeysay in lagu soo xiray labadan dhalinyaro iyaga oo Mobile ka daawanaya aflaanta xun xun ee mobilada lagu shubto.
Maxkamadda degmada Kismaayo ayaa sheegtay in kadib markii ay ku cadaatay labadaasi dhalinyaro danbiyadii loo heystay in ay ku xukuntay in lagu dhufto 10 Jeedal iyo weliba 7 cisho oo xarig ah, xukunkaa oo ay maxkamaddu sheegtay in uu yahay xukun waafaqsan shareecada islaamka.
Ma ahan markii ugu horeeysay ee xukun tacsiir ah uu ka dhaco gudaha magaalada kismaayo hore ayay maxkamaduu u fulisay xukunno ceynkan oo kale, waxaana inta badan xukunnada noocan oo kale ah ay aalaba ka dhacaan fagaaraha weyn ee beerta xoriyadda ee bartamaha magaalada Kismaayo maalmaha jimcada ah, waxaana goobta uu xukunka ka dhacayo isugu soo baxo dadweeyne fara badan kuwaa oo daawada xukunnada ay maxkamaddu fuliso.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya