Sabti, May 15, 2010 (HOL) − Wasiirka Lacagta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) oo ka mid ahaa wasiirro uu guddiga Ilaalinta hantida Qaranka ee Baarlamaanka Soomaaliya ku eedeeyay inay lunsadeen lacago badan ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu hortago Baarlamaanka.
Eng. C/raxmaan Yariisow wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo in wax laga weydiiyo howlaha wasaaradiisu qabato, isagoo xusay in guddiga eedeymaha soo jeediyay looga baahan yahay inay caddeymo keenaan.
"Waxaan diyaar u ahay inaan baarlamaanka hortago isla markaana aan ka jawaabo su'aal walba oo ku aaddan howlaha ay wasaaradeydu qabato" ayuu yiri Wasiirka oo sheegay in sida ay ku baxeen lacagaha dowladda soo galay ay lagala haldi karo oo keliya Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiirku wuxuu sheegay in wasaaraddiisu ay ka shaqeyso soo ururinta daqliga uuna diyaar u yahay inuu faahfaahiyo lacagta ay ururisay iyo halka ay geysay, balse aan la weydiin karin sida loo isticmaalay.
"Guddiga waxaa wanaagsanayn inay caddeymo ku lifaaqaan eedeymahooda, balse eedeymuhu haddii ay yihiin kuwo afka oo keliya ku siman, ma filayo inay sharci yihiin" ayuu yiri Wasiirka Lacagta.
Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla oo ka mid ahayd guddiga eedeeyay labadan wasiir ee dowladda ka tirsan ayaa sheegtay inay kasoo jawaabi waayeen qoraal loo gudbiyay oo ahaa halka ay martay hantida Qaranka ee isugu jirtay deeqda iyo kuwa kasoo xarooday dalka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya