Sabti, May 15, 2010 (HOL) − Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay inaysan u qorsheysnayn inay wadahadal la furaan Dowladda Soomaaliya, wuxuuse sheegay inay diyaar u yihiin inay la xaajoodaan calaamka.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka qaybgalay barnaamij ka baxa Idaacadda Hornafrik oo su'aalo lagu weydiinayay Jimcihii shalay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan ahayn mid lala hadli karo, wuxuuna ku eedeeyay inay dalka soo gelisay cadow.
"Beesha Calaamka waan la furaynaa wadhadallo ku aaddan arrimaha Soomaaliya, waase inay daacad ka tahay xal u raadinta Soomaaliya" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in iyagu ay yihiin kooxo u dagaalamaya sidii dalka looga saari lahaa ciidamo xoog ku haysta, dowladduna ay tahay mid ciidankaas la safan.
Guddomiyaha Xisbul Islaam wuxuu sheegay in dagaalka ay ku jiraan uu socon doono inta ay hadafkooda ka xaqiijinayaan, kaasoo uu ku sheegay inuu yahay in shacabka ku nool Soomaaliya ay si xor u doortaan qofkii xukumi lahaa.
"Ujeeddada aan u dagaalamayno waa inaan xorriyadda dalkaan soo celino, dadkuna ay awood u yeeshaan inay doortaan dowladdii iyo ciddii hoggaamin lahayd, inta ay caburinta ku jiraanna dagaalka waan wadaynaa" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.
Hogaamiyahan oo muddo dheer dagaallo kusoo jiray ayaa sheegay in dagaalka socda uusan ahayn mid xad leh, uuna soconayo illaa Qiyaamaha, isagoo sheegay in qof walba laga doonayo inuu xaqa u hiiliyo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya