Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho keentay Lacag Shillin Soomaali ah oo cusub

Jimco, May 14, 2010(HOL): Dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxay Muqdisho keentay lacag Shillin Soomaali ah oo aad u tiro badan, taasi oo diyaarad khaas ah lagu keenay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Lacagta ay Dowladda la timid oo ah lacagta Kunka Shillin ayaa wuxuu cadadkeedu dhan yahay 2 boqol oo Bilyan, waxaana lagu soo daabacay Dalka Suudaan. Lacagta oo lagu xareeyay Bangiga dhexe ee Soomaliya ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ilaa Bangiga dhexe ilaalinayay Ciidamo Boolis iyo Mileteri isugu jira oo Dowladda Soomaaliya hoostaga.

Lacagtan ayaa waxay Muqdisho imaaneysaa iyadoo boqolkii dollar Muqdisho lagu kala sarifto 3,100,000 Shillin Soomaali ah, lamana oga saameynta ay lacagtan cusub ku yeelan doonto sarifka lacagta doollarka oo inta badan lagu saleeyo dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Wasiirrada Lacagta iyo Maaliyadda Dowladda Soomaaliya oo lacagtan cusub wax laga weydiiyay ayaa arrintaas ka gaabsaday. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay soo daabici doonto lacag nooc cusub ah oo ay wax uga qabaneyso qiimo-dhaca ku yimid lacagta Shilin Soomaaliga ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Lacagtan cusub ayaa keenitaankeeda Muqdisho wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo muddo bilooyin ah aysan wax mushaarooyin ah qaadan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo weliba Xildhibaannada Baarlamaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya