Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qaybgalaya shir looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya oo dalka Turkey ka dhacaya Bishan

Jimco, May 14, 2010 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay ka qaybgalaan shir bishan ka dhacaya dalka Turkey oo looga hadlayo Arrimaha dalka Soomaaliya.

Shirkan oo ka dhacaya Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin: Ammaanka, dhaqaalaha iyo horumarinta xukuumadda.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha guud ee Arrimaha Soomaliya Axmed Walad Cabdalla ayaa sheegay in shirkan ay soo qabanqaabisay Qarammada Midoobay looga hadli doono arrimaha amaanka dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay halkaas ka jeediyaan hadal ku saabsan xaaladda ammaan ee dalka Soomaaliya, iyadoo inta badan dalka ay gacanta ku hayso Xarrakatul Shahaab oo dagaal kula jirta Dowladda.

Dowladda Mareykanka iyo kuwa deeqaha bixiya ayaa lagu wadaa inay shirkaas ka qaybgalaan, waxaana sarkaal u hadlay Mareykanka uu sheegay in shirkaas uusan ahayn mid dhaqaale loogu ururinayo Soomaaliya.

Shirka ayaa dhacaya 21-23-ka bishan May, waxaana diiradda lagu saari doonaa dalka Soomaaliya, iyadoo xukuumaddu ay gacnta ku hayso qayb yar oo Muqdisho ka tirsan.
 
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya