Jimco, 14, May, 2010 (HOL) Kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Guddi dhawaan loo saaray in ay xal ka soo gaaraan khilaafka u dhaxeeya Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray go'aamo ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Max'ed Nuur Madoobe.
Max'ed Aadan Waayeel oo u hadllay Gudigga maanta kulanka ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Gudigoodu ka kooban yahay 16 xubnood isaga oo intaa ku daray in ay gaareen go'aamo dhowr ah oo ku wajahan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo waliba fadhiga oo loo balansan yahay in maalinta Axada ah yeeshaan Mudanayaasha Baarlamaanka.
Waxaa uu sheegay Xildhibaan Waayeel in ay isla garteen in maalinta Axada ah laga wada qeyb-galo fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya oo sida uu sheegay uu shir Guddoomin doono qofka ugu da'da weyn Baarlamaanka oo lagu soo xulayo doorasho cod qarsoodi ah, waxaana uu ugu baqaay dhamaan Xildhibaannada in ay ka soo qeyb-galaan fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya.
Inkastoo Guddigan ka kooban labada dhinac sheegeen in aysan aqoosaneyn Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haddana hadal uu dhawaan jeediyay Shiikh Aadan Max'ed Nuur (Aadan Madoobe) waxaa uu ku sheegay in uusan ogeyn Guddi dhinaciisa ka socda oo loo saaray xilinta khilaaf soo kala dhaxgalay Mudanayaasha Baarlamaanka, isaga oo maalintii shalay ahayd si cad u sheegay in looga baahan yahay dhamaan Xildhibaannadu in ay ka soo qeyb-galaan fadhiga Baarlamaanka wixii khilaaf ah ee jirrana halkaa lagu dhameeyo.
Max'ed Xaaji Xusseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya