Jimco, May 14, 2010 (HOL) - Xildhibaannadii kasoo horjeeday guddoonka baarlamanaka Soomaaliya ayaa sheegay inaysan ka qaybgalayn shirka Baarlamaanka ee Maalinta Axadda ah ka furmaya Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Bood Cabdalla Magan oo ku hadlayay afka mudanayaasha kasoo horjeeda guddoonka sare ee baarlamaanka ayaa sheegay inay ka go'an tahay inaysan isku raacsan yihiin inaysan ka qaybgalin kulankaas.
"Waxaan nahay 310-mudane oo rumeysan in Sheekh Aadan Madoobe uusan ahayn guddoomiyaha Baarlamaanka, sidaa daraadeed kama qaybgalayno shirka uu ku dhawaaqay oo uu doonayo inuu guddoomiyo" ayuu yiri Xildhibaan Magan.
Mudanuhu wuxuu sheegay inuusan jirin kooram uu ku furmi karo baarlamaanka maalinta Axadda ah ee lagu dhawaaqay, iyaguna ay markaas kaddib qabanqaabin doonaan kulan kaas ka duwan oo ay isugu yeerayaan Mudanayaasha, kuna dooran doonaan guddoomiye cusub.
"Sheekh Aadan Madoobe waa xildhibaan baarlamaanka ka tirsan umana aqoonsanin inuu yahay guddoomiye, sidaa daraadeed kama qayblayno kulan uu icilaamiyay" ayuu mar kale yiri Mudane Bood C/lla Magan oo sheegay in kulankan uu fashilmayo.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shalay sheegay in maalinta Axadda ah ee soo socota ay Muqdisho ka bilaaban doonaan kulammada Baarlamaanka, isagoo ugu baaqay xildhibaanada inay kasoo qaybgalaan shirka.
Tani waxay muujinaysaa inuu weli jiro khilaafka u dhexeeya xubnaha baarlamaanka oo horay Madaxda Dowladda u sheegeen inay xal ka gaareen ayna qabsoomayaan fadhiyadii baarlamaanka oo muddada dheer hakadka ku jiray.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya