Sarkaal ka tirsanaa WFP oo Gaalkacyo lagu toogtay iyo Daadad ku soo fatahay meelo ka mid ah Gobolka Mudug

Jimco, 14, May, 2010 (HOL) Sarkaal u shaqayn jiray hayada Cuntada Aduunka ee WFP ayaa lagu toogtay bartamaha magaalada Galkacyo ,isaga oo Maraya Meel ku dhow Saldhig ay Leeyihiin Ciidamada Boliska degmada Galkacyo.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in dilkiisa ay Fuliyeen rag madaxa soo duubtay oo ku hubaysnaa Baastoolado,Waxaana markii la dilayay uu watay Gaarigiisa Khaaska ah.

Dad Goob joogayaal ah ayaa sheegay in ay maqleen rasaas aad culus ,waxaana la sheegay in marxuumka laga toogtay madaxa iyo Laabta ,taasi oo keentay in uu u geeriyoodo.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in marxuumka loo dilay aano Qabiil,Waxaase aan ilaa iyo hada Gacanta lagu hayn ragii Dilkaasi Fuliyay oo aan Haybtooda la garan.

Taliska Boliska degmada Galkacyo ayaa sheegay in baaritaan ay ku hayaan sida uu u dhacay kiiskan ,Waxaana dilkan uu qayb ka yahay amni xumo ku soo korortay Gobolka Mudug.

Dhinaca kale waxaa la sheegay in Tuulada Gosol oo ka tirsan Gobolka Mudug ay ku soo Fataheen daadad aad u xoog badan ,kuwasi oo khasaare dhinacyo badan leh gaystay

Maamulka Gobolka Mudug ayaa sheegay in Gar gaar la gaarsiin doono dadkii ku waxyeeloobay Roobabka halkaasi ka da,ay ,waxaana jira Warar sheegaya in Dadka Tuulada Gosol ay u soo Carareen Tuulada Xarfo oo saaran Laamiga Gobolka.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya