Dagaal dhexmaray ciidamo kawada tirsan Dowladda Soomaaliya oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Sabti, June 12, 2010 (HOL) − Dagaal ciidamo kawada tirsan Dowladda Soomaaliya ku dhexmaray Illinka hore ee Iskoolka Booliiska Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 6-askari; waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 10-qof oo ay ku jiraan ciidamadii dagaalku u dhexeeyay.

Iskahorimaadkan oo socday saacado ayaa wuxuu bilowday kaddib markii ciidanka dagaalamay uu soo dhexgalay muran ku saabsan raashin mucaawino ah oo la isku dayay in la dhaco.

"Dagaalku wuxuu ku bilowday si lama filaan ah, waxaan arkay dhimashada ugu yaraan lix askari oo isugu jiray Booliis iyo Milateri, dhaawacyo badan oo ay ku jireen dad rayid ahna waan arkay" ayuu yiri goobjooge ku sugnaa halka uu dagaalku ka dhacay.

Goobjoogaha ayaa sheegay in isku socodka gaadiidka iyo dadka uu hakad galay intii uu dagaalku socday, waxaana joojinta dagaalka ku guuleystay saraakiil ka kala tirsan ciidamada Milateriga iyo kuwa Booliiska Soomaaliya.

Dhaawacyada dagaalka ayaa dhamaantood loo qaaday Isbitaalka Madiina si loogu daweeyo, waxaana dagaalkan uu ka mid yahay dagaallada ku dhexmara ciidamada Dowladda degmooyinka ay dowladdu maamusho.

Saraakiisha Dowladda ee dagaalka hakiyay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan dagaalka iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, iyadoo dagaallada Muqdisho ku dhexmara ciidamada Dowladda ay sababaan khasaarooyin kala duwan.

Xaaladda ayaa caadi kusoo laabatay markii uu iskahorimaadku joogsaday, iyadoo goobta uu dagaalku ka dhacay ay maalin ka hor ku dhinteen 7-askari oo ka tirsan ciidanka Booliiska, kuwaasoo ay la qaraxday Miino.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya