Qalabkii u dambeeyay ee Doorashada oo soo gaadhay Somaliland iyo Guddida Doorashada oo ka hadlay

Sabti, 12 june 2010 (HOL)- Qalabkii u dambeeyay ee Agabka Doorashada Madaxtooyada Somaliland, ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Agabkan oo ah Waraaqaha cod-bixinta doorashada Madaxtooyada ee loo muddeeyay inay 26 June ka dhacdo Somaliland, ayaa shalay soo gaadhay caasimadda Hargeysa. kuwaas oo ay diyaaradda sitay keentay Madaarka Berbera, waxa lagu soo daabacay dalka Ingiriiska.

Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood) oo ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo markii ay waraaquhu gelinkii dambe soo gaadheen xarunta dhexe ee Komishanka ee Hargeysa warbaahinta u waramay, waxa uu faahfaahin ka bixiyay tayada waraaqahan iyo shirkadda soo daabacday.

"Waraaqahani waa waraaqihii lagu codayn lahaa, 8-dii subaxnimo ayay ka soo degeen Madaarka Berbera, waana Illaahay mahadii inay soo gaadheen xarunta dhexe ee Guddiga Doorashooyinka ee Hargeysa...Waraaqahan waxa lagu soo daabacay dalka Ingiriiska, waxa soo daabacday shirkadda lagu magacaabo SMITH, waxayna hore u daabacday waraaqihii lagu galay doorashadii hore ee Madaxtooyada 2003 iyo doorashadii golaha Wakiillada ee 2005-tii," ayuu yidhi. "Hore laba xubnood oo Komishanka ka socda oo aan ka mid ahay iyo Khadar Maxamed Guulleed oo sharci-yaqaanka Komishanka ah, ayaa waxaanu soo ansixinaynay qaabka loo soo daabacayo waraaqahaas codaynta, agabka kale ee xafiisyada gobollada, degmooyinka iyo goobaha cod-bixinta lagaga shaqaynayay, waxna lagu xisaabinayay tirada codaynta intaba iyagaa soo daabacay oo keenay. Tirada guud ee waraaqaha ma doonayo inaan imika ka sheego warbaahinta, ilaa inta aanu iska arkayno Xisbiyada siyaasadda,” ayuu raaciyay.

Mar la waydiiyay waxa Komishan ahaan uga meel yaal haddii ay dhacdo in dad hal mar wax ka badan qaatay kaadhku ay ku noqnoqdaan, waxa uu ku jawaabay; "Wixii dedaalkayaga ah anagu Komishan ahaan waxba kala hadhi mayno, si kasta oo aanu wax uga qaban karno waanu uga qabanaynaa. Midda kale, waxa jira khad qofka la marinayo, imika shirkadda agabka soo daabacday khad baa ku jira waxyaaba ay samaysay, khadkaas fartaydaas baan ku tijaabiyay muddo toddobaad ka badan ka hor, welina wuu ku yaalaa, haddana anagu waanu saluugnay oo waxaanu khad kan ka tayo badan u doonanay dalka Shiinaha oo xubin Komishanka ka mid ah ayaa ku maqan. Markaa waxba inaga xumaan maayaan, dadka hawshan ka shaqaynayana waxaan ku adkaynayaa inaanay ogolaan qof aanay khad marini inuu codeeyo."
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.