Maamulka Gobolka Mudug oo ka cabanaya Amni-xumo ka dhalatay gar-gaarka WFP siiso Barakacayasha

Sabti, 12, Jun, 2010 (HOL) Maamulka Gobolka Mudug ayaa sheegay in Gaadiid u raran Hay’ada WFP ay ku xayiranyihiin degmooyiinka Bayra iyo Bursaalax arimo la xiriira dilal ka dhashay Gaadiidkaasi.

Godoomiye ku xigeenka koowaad ee Gobolka Mudug Beyxaani Axmad Barre oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Gaadiidkaasi ay gaarayaan 40 Gaari oo nooca xamuulka Qaada ah ,isla markaana lagu muran sanyahay Falal amni xumo oo ka dhashay.

Waxaa kaloo uu u xusay in Gaadiidka WFP Raashinka u wada badanaa ay gaystaan amni xumo laga dareemo  meelo ka mid ah Gobolka Mudug ,isla markaana ay ka digayaan.

Gudoomiye kuxigeenka gobalka Mudug wuxuu tilmaamay in ay ku guuleysteen marar badan wax ka qabashada falal amaan xumo oo ay reebeen raashin horey  lasoo gaarsiiyay Gobolka Mudug.

Waxaan iminka ku dhex jirnaa xalinta muran ka dhashay gaadiid u raran WFP oo ku sugan meelo kamid ah Gobolka Mudug" ayuu yiri Godoomiyaha isaga oo ku sugan magaalada Galkacyo.

Maamulka Gobolka Mudug ayaa ku eedeeyay WFP iney ay dhagaha ka furaysteen amar horey uga soo baxay Puntland ,kaasi oo ku aadanaa in la dhimo Raashinka la soo Garsiinayo Gobolka .

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya