Burcadbadeeda Soomaaliyeed oo Markab ay muddo haysteen kusii daayay madaxfurasho lacageed

Sabti, June 12, 2010 (HOL) − Burcadbadeed Soomaali ah ayaa Jimcihii shalay kusii daayay Madaxfurasho lacageed oo aan la sheegin cadadkeeda Markab watay calanka dalka Bulgaariya iyo 25-Shaqaale ah oo la socday.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Asian Glory ayay kooxaha burcadbadeedda ah ku afduubeen meel ka baxsan biyaha Soomaaliya 1-dii Jannaayo 2010, iyagoo ka dalbaday lacag Madxfurasho ah oo gaaraysa 15-Milyan oo Doolar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Bulgaariya oo xaqiijiyay sii daynta markabka ayaa ka gaabsaday inuu sheego lacagta lagu sii daayay, waxaana markabkan ay kooxda burcadbadeedda ah ku haysteen xeebaha degmada Garacad ee Gobolka Mudug.

Markabkan oo siday 45,000 oo Baabuur ah ayaa kusii jeeday dalka Cumaan, iyadoo la sheegay inuu u jiheystay markii uu ka baxay gacanta burcadbadeedda, waxaana shaqaalaha la socday ay u kala dhasheen dalalka: 8-qof oo Bulgaariya u dhashay, 10-qof oo Ukrain u dhashay, 5-qof oo Hindi ah iyo 2-qof oo u dhashay Roomaaniya.

Afduubayaasha ayaa waxay markabkan kasoo qabsadeen meel 600-Mayl bari kaga beegan xeebaha dalka Soomaliya, una jirta dalka Seychelles 900-Mayl, iyagoo hastay muddo lix bilood ah.

Maraakiib kale oo laga doonayay Madaxfurasho lacageed ayay Burcadbadeedda Soomaaliya ku haystaan xeebaha degmooyinka Garacad iyo Hobyo ee Gobolka Mudug oo ay awooddooda isugu geeyeen markii laga qabsaday degmada Xarardheere ee isla gobolkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya