Qarammada Midoobay oo Walaac ka muujisay tahriibayaasha Soomaalida ah ee ku dhimanaya badaha Caalamka

Sabti, June 12, 2010 (HOL) − Qarammada Midoobay ayaa war kasoo baxay Jimcihii ku sheegtay inay aad uga murugootay maqalka 9-qof oo Tahriibayaal Soomaaliyeed ah oo ku dhintay Badda Musambiik iyagoo doonayay inay dalkaas galaan.

Tahriibayaashan ayaa ka mid ahaan Kummannaan Soomaali ah oo ka cararaya dagaallada iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira Dalka Soomaaliya, waxayna tani qayb ka tahay kororka Soomaalida tahriibka ah ee ku dhimanaya biyaha Caalamka.

Hay'adda UNCHR oo warbixintan soo saartay ayaa sheegtay in celcelis ahaan ay sannadkan dalka Musambiik dhinaca badda ka galeen tahriibayaal Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 2,000-qof.
"Sagaalkan qof ee dhintay waxay qayb ka ahaayeen 77-qof oo la socday dooni yar si ay u galaan dalka Musambiik, waxaana doonida ay la socdeen dadkan xoog looga dajiyay 32-qof oo ay badbaadiyeen ciidanka badda Musambiik" ayaa lagu yiri warbixinta UNCHR ay soo saartay.

Kalluumeysato u dhashay dalka Musambiik ayaa laga soo xigtay in 36-qof oo Soomaali ah oo la socdya doonida ay diideen inay isaga dagaan, iyadoo aan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen doonidii iyo dadkii diiday inay ka dagaan.

Haya'dda UNCHR ayaa sheegtay in 40,000-qof oo Soomaali ah ay ka qaxeen dalkooda tan iyo markii uu bilowday sannadkan, iyadoo sidoo kalena ay ku gudaha dalka ku barakaceen dad ka badan 1.5-Milyan.
Dalka Musambiik ayaa wuxuu noqday dalka ay Soomaalida ku socda dalka Koonfur Afrika sii maraan, waxaana dalkaas ku xiran tiro Soomaali ah oo doonayay inay uga gudbaan dalalka kale ee Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya