Qaramada Midoobe oo soo dhaweysay go'aankii uu qaatay Urur Goballeedka IGAD

Jimco, 9, July, 2010 (HOL) Kadib markii dhawaan kulankii ugu soo gabo gaboobay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Mas'uuliyiinta Urur Goballeedka IGAD leysku raacay in si deg deg ah dalka Soomaaliya loo geeyo ilaa 2000 oo Askari oo ka qeyb qaata howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa soo dhaweeyay go'aankaa isaga ah QM.

Xog-haya guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr, Augutine Mahiga ayaa sheegay in go'aankii dhawaan ka soo baxay Urur Goballeedka IGAD yahay mid geesimo ah islamarkaana horay u dhaqaajinaya sida uu hadalka u dhigay geedi socodka Nabad dalka Soomaaliya.

Waxaa uu intaa ku darray Mr. Mahiga in QM bar bar taagan tahay cid kasta oo qaadeysa talaabo lagu sugayo Nabada dalka Soomaaliya, isaga oo ku boooriyay Urur Goballeedka IGAD in ay xoojiyaan dadaalkooda la xiriira sidii nabad looga dhalin lahaa dalka iyada oo laga anba qaadayo wada hadal loo furo sida uu hadalka u dhigay dhinacyada isku haya dalka Soomaaliya.

'' QM waxaa ka go'an in ay sii wadi doontaa wada shaqeynta ay arrimaha Soomaaliya kala leedahay Urur Goballeedka IGAD iyo Midowgga Africa, ayuu yiri Xog-haya guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr, Augustani Mahiga oo la hadllayay qalabka Warbaahinta.

Dhinaca kale Xog-haya guud ee Urur Goballeedka IGAD Maxbuub Maclin oo wareysi siinayay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Ciidamada la geyn doono dalka Soomaliya ka kala imanaya wadamada ku jirra Urur Goballeedka IGAD, waxaana uu intaa ku darray in Ciidamadaasi tagi doonaan dalka Soomaaliya dhamaadka Bishan July ilaa hortaanta Bisha xigta, laakiin Xog-hayuhu ma uusan kala saarin Dowladdaha ay ka kala imanaya Ciidamada la doonayo in la soo galiyo dalka Soomaaliya.

Xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa siweyn u canbaareeyay go'aanka uu gaaray dhawaan Urur Goballeedka IGAD waxaana xusid mudan in dibadbaxyo ka dhacay deegaannada ay gacanta ku hayaan dadka loogu baaqay Jihaad ka dhan ah Ciidamada la keenayo iyo kuwa hadda ku sugan dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]