Jimco, July 09, 2010 (HOL) - Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay hirgelinta heshiiskii ay horay ula galeen Culummaa'udiinka Ahlusunna Waljamaaca, kaasoo ay saraakiisha Ahlusunna ku gacansayreen qaabka loo fuliyay.
Wasiir u dowlaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Mudane Khaalid Cali Cumar oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in heshiiskaas ay Dowladdu u fulisay sidii uu ahaa, isagoo xusay in Ahlusunna ay xukuumadda cusub ku leeyihiin 5-wasiir oo ahayd sidii lagu heshiiyay.
"Dowladda Soomaaliya waxay si sax ah u fulisay heshiiskii ay la gashay Ahlusunna, waxaana Ra'iisul wasaaruhu uu xil weyn iska saaray sidii uu heshiiskaas ugu fulin lahaa sidii uu ahaa" ayuu yiri Wasiir u dowlaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.
Mas'uuliyiinta Ahlusunna ayaa horay u sheegay in xubnaha magacooda loosu soo daray golaha Wasiirrada aysan iyaga ka tirsanayn, waxayna xuseen inay qaadaceen gabi ahaan heshiiskaas, iyagoo ka dalbaday beesha caalamka inay faragelin ku sameyso heshiiskaas.
Mar la weydiiyay Wasiir u dowlaha in Magacyadii ay soo gudbisay Ahlusunna ay yihiin kuwa ay xilalka u magacaabeen iyo in kale, ayuusan uga jawaabin sidii ay ahayd, isagoo ku gaabsaday inay wanaagsanaan lahayd in saxaafadda la tuso.
Dhanka kale, Wasiir u dowlaha xafiiska Ra'iisul wasaaraha wuxuu ka hadlay Mooshin ay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka u gudbiyeen isagoo sheegay in mooshinkaas uu yahay mid aan sharciga la marsiin.
Xildhibaannadii gudbiyay mooshinkaas ayuu ka dalbaday in marka hore dib ugu laabtaan sharciga dalka u yaalla ayna akhriyaan, isagoo sheegay in markaas kaddib ay u furan tahay inay mooshin gudbiyaan iyo inay ka tanaasulaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in sidii uu ahaa ay u fulisay heshiiskii ay la galeen Culumaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaaca
More News
- Masaajid Loogu Magacdaray Masjidu Shuhadaa Ayaa Maanta Laga Furay Madaxtooyada (Sawirro
- Qaramada Midoobe oo soo dhaweysay go'aankii uu qaatay Urur Goballeedka IGAD
- Dagaal u dhexeeya Ciidamada AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Kooxo hubeysan oo dil ugu geystay dalka Koonfur Afrika dhallinyaro Soomaaliya oo howlo ganacsi ku jiray
- Wasiirrka Arrimaha dibada Kenya oo ka digay qatar ka soo fool leh dalka Soomaaliya.