Jimco, July 09, 2010 (HOL) - Kooxo hubeysan ayaa habeen hore dil ugu geystay deegaan ku dhow Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ganacsato Soomaali ah, kuwaasoo xiligaas ku sugnaa goob ganacsi oo ay lahaayeen.
Wararka laga helayo deegaanka uu dilku ka dhacay ayaa sheegaya in dilkaan uu ka duwanaa kuwii hore ee Soomaalida lala beegsan jiray, uuna dilkan yahay mid xiriir la leh ganacsiga ay dhallinyarada Soomaalida ah ku jireen.
"Habeen hore waxaa lagu dilay goob ganacsi oo ay ku lahaayeen duleedka Cape Tonw laba wiil ganacsato Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale la dhaawacay mid kale, waxaana falkaas geystay kooxo madow oo hubeysan" ayuu yiri ganacsade ku sugan deegaanka uu falkaas ka dhacay.
Dhallinyarada la dilay ayaa waxay ahaayeen Reer Muqdisho, waxaana lagu kala magacaabi jiray: Maxamed Xasan Cali iyo Mukhtaar Cali Dhuxulow, iyadoo mid kale ee la dhaawacayna lagu magacaabo C/casiis Cali
Maxamuud, waxaana falkaan uu aad walwal u geliyay ganacsatada Soomaalida ah ee dalkaas ku nool.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dilka ganacsatadan Soomaalida ah uu ka dambeeyay nin kasoo jeeda
Qaaradda Aasiya oo ganacsi ku lahaa dukaankooda agtiisa ayna isku maandhaafeen qiimaha ay iibinayaan ganacsiga, iyadoo lagu toogtay labadan dhallinyarada ah dukaankooda.
Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa goobta uu dilku ka dhacay tagay, inkastoo aanay jirin cid ay u qabteen dilkaas, mana ahan markii ugu horreysay oo ganacsato Soomaaliyeed lagu dilo dalka Koonfur Afrika iyagoo howlahadooda ganacsi ku jira.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Kooxo hubeysan oo dil ugu geystay dalka Koonfur Afrika dhallinyaro Soomaaliya oo howlo ganacsi ku jiray
More News
- Masaajid Loogu Magacdaray Masjidu Shuhadaa Ayaa Maanta Laga Furay Madaxtooyada (Sawirro
- Qaramada Midoobe oo soo dhaweysay go'aankii uu qaatay Urur Goballeedka IGAD
- Dagaal u dhexeeya Ciidamada AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in sidii uu ahaa ay u fulisay heshiiskii ay la galeen Culumaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaaca
- Wasiirrka Arrimaha dibada Kenya oo ka digay qatar ka soo fool leh dalka Soomaaliya.