Jimco, 9, July, 2010 (HOL) Wasiirrka Wasaarrada Arrimaha dibada dalka Kenya Moses Wetangula oo la hadllayay Wakaallada wararka ee AP ayaa ka digay sida uu hadalka u dhigay qatar ka soo fool leh dalka Soomaaliya kadib markii uu shaaca ka qaaday Wasirrku in Soomaaliya ku qul qulayaan dagaallyahanno Ajnabi oo xiriir toos ah la leh Ururka Al-qaacida.
Wasiirku waxaa uu intaa ku darray in dagaalyahanno u kala dhashay dalalka Ciraaq, Afgaanistaan, Pakistaan, iyo waliba dalalka dhaca Bariga dhexe siweyn u galeen dalka Soomaaliya si ay ugu biiraan dagaallada ay wadaan Xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.
''Ma sheegi karo tiro koob sax oo la xiriira inta ay dhan yihiin dagaallyahanada Ajnabiga ah ee hadda ku sugan Soomaaliya, laakiin waxaa cadeyn karaa in ay yihiin kuwo dhib iyo walaac ugu filan Wadamada dariska la ah Soomaaliya ayuu yiri Moses Wetangula, oo intaa raaciyay in warar laga hellay laamaha sirta sheegayaan in Ciidamadaasi yihiin kuwo isku dhaf ah oo kala gadisan.
Wasiirka Arrimaha dibada dalka Kenya ayaa Dowladda Mareykanka ku dhaliilay in aysan gacantii loo baahnaa ka geysan sidii wax looga qaban lahaa xaalada murugsan ee dalka Soomaaliya, waxaana uu intaa ku darray in haddii uu Mareykanku soo faragalin lahaa xaalada arrimuhu sida dhaami lahaayeen.
Hadalka ka soo yeeray Wasiirrka Arrimaha dibada dalka Kenya Moses Wetangula ayaa ku soo beegmaya xili labo cisho ka hor kulan ay ku yeesheen Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Mas'uuliyiinta Urur Goballeedka IGAD isku raaceen in dalka Soomaaliya la geeyo Ciidamo gaaraya ilaa 2000 oo Askari si gacan loo siiyo howlgalka AMISOM ay ka wado magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected].
Wasiirrka Arrimaha dibada Kenya oo ka digay qatar ka soo fool leh dalka Soomaaliya.
More News
- Masaajid Loogu Magacdaray Masjidu Shuhadaa Ayaa Maanta Laga Furay Madaxtooyada (Sawirro
- Qaramada Midoobe oo soo dhaweysay go'aankii uu qaatay Urur Goballeedka IGAD
- Dagaal u dhexeeya Ciidamada AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Kooxo hubeysan oo dil ugu geystay dalka Koonfur Afrika dhallinyaro Soomaaliya oo howlo ganacsi ku jiray
- Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in sidii uu ahaa ay u fulisay heshiiskii ay la galeen Culumaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaaca