Dagaal u dhexeeya Ciidamada AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Jimco, July 09, 2010 (HOL) - Ugu yaraan laba qof oo shacab ahaa ku dhintay afar kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii uu xalay dagaal u dhexeeya Ciidamada Xarrkatul Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa AMISOM uu k dhacay Muqdisho.

Dagaalkan oo ka bilowday weerar ay Xarrakatul Shabaab ku qaaday Kulliyaddii hore ee Jaalle Siyaad oo saldhig u ah ciidamada AMISOM ayaa wuxuu isku badalay duqeyn, iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay madaafiic kula dhaceen xaafado ka tisran Degmada Dayniile.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada qof ee dhintay mid ka mid ah uu ahaa nin ku xoogsada gaari-dameerrada biyaha dhaamiya, kadib markii uu gurigiisa ku dhacay madfac kaasoo sidoo kale dilay qof kale oo ay daris ahaayeen.

Iskahorimaad toos ah ayaa dhexmaray labada dhinac ee dagaalku uu u dhexeeyay, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha kala gaaray, waxaana dagaalkooda uu socday muddo saacad ku dhow, mana ahan markii ugu horreysay oo dagaal noocan ah uu dhaco.

Dhaawacyadii ka dhashay dagaalka ayaa isla xalay la gaarsiiyay Isbitaalka Dayniile halkaasoo lagu daweynayo, mana jirto wax hadal ah oo kasoo baxay AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab oo uu dagaalku u dhexeeyay.

Waxaana dagaalkan uu imaanayaa iyadoo saraakiisha Xarrakatul Shabaab ay dhawaan ka sheegeen Muqdisho iyo Gobollada dalka inay xoojin doonaan dgaalka ay kula jiraan Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ay taageera ee AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya